Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Macalin Mourinho oo Diidey In Uu Dhaleeceyo Xiddigihiisa Kadib Barbarihii Swansea Ay La Galeen

$
0
0

Jose Mourinho macalinka kooxda reer England ee Chelsea Jose Mourinho ayaa ka gaanbsadey in uu dhaleeceyo xiddigihiisa kadib barbarihii ay la galeen Kooxda Swansea City.

Kooxda Chelsea ayaa kulankeedi ugu horeyey ee ay Horyaalkeeda ku difaacaneysey ayey waxaa ay la ciyaartey kooxda Swansea City galabta waxaana ay ku dhamaatey barbaro laba gool iyo laba gool ah.

Mourinho

Haddaba Macalin Mourinho ayaa iska diidey in uu canaanto xiddigihiisa isagoona sheegey in kulankan uu yahay uun bilow oo kulamadda danbe ay diyaar u yihiin in ay guulo gaaraan.

“ Eedo Xiddigaha ma leh oo waa kulan iska ahaa mid furitaan ah wax badan oo qaladaadkeena ah ayaan halkaa ku aragney diyaarna aan u nahay in aan ku saxno” ayuu yiri Macalin Mourinho.

Buless-ka ayaa kulankeeda labaad axada danbe la ciyaari doonta kooxda Manchester City kulankaaso ah mid aad loo wada sugaay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles