Goolka Man United ay ku badisay Premier league ee ahaa iska dhaliska ayaa taariiq aan horay uga dhicin horyaalkan sameeyay.
Kyle Walker ayaa iska dhaliyay goolkan ay Man United ku badisay kuna qaadatay seddexda dhibcood ee ciyaarta.
Iyadoo maanta la wada sugayay cida dhalin doonta goolka ugu horeeya horyaalka oo sida caadada ah 23-kii sano ee la soo dhaafay uu ciyaaryahan uun uu dhalinayay ayeysan dhicin.
Taariiqda uu goolkan sameeyay ayaa ah markii ugu horeysay taariiqda Premier league in goolka furitaanka uu noqdo gool iska dhalis ama own goal.
Marka horay uma dhicin tan iyo markii magaca Premier league 23-kii sano ee la soo dhaafay la bixiyay in goolka hore ee furitaanka uu noqdo mid iska dhalis ah.