Mauricio Pochettino macalinka kooxda Tottenaham ayaa waxaa uu sheegey in guuldaradii maanta ka soo gaartey kooxda Manchester United ay u tahay cashar wanaagsan.
Kooxaha Tottenaham iyo Manchester United ayaa maanta wadda ciyaarey kulan ku tirsan horyaalka ingriiska kulankaaso ahaa kii furitaanka horyaalka xili ciyaareedkan waxana gool iyo waxba ay guusha ku raacdey kooxda Manchester United.
Haddaba Mauricio Pochettino ayaa sheegey in kooxdiisa ay kulankaasi ka baratey in weli ay u baahanyihiin xiddigo muhiim ah oo kooxda guulo wacan gaarsiiya ka hor inta aanu xagaagan suuqa xirmina ay saxiixyo dhowr ah ay soo sameyn doonana.
Tottenaham ayaa keliya iminka heysata Harry Kane oo isaguba gadood ka ah kooxda waxaana ay ku qasabtanay in ay iska iibiso weerayahanadeeda kala Adebayor iyo weliba Saldado si ay xiddigo muhiim ah u keensato.
Tottenham ayaa ku guuldaraysatay kulankeeda ugu horeeyey waxaana ay kari weyday ineey goolka iska soo magaan taasoo daliil u ah ineey xagga weerarka aad ugu liitaan isla markaana ay doonayaan ineey horumar kasameeyeen suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.