Manchester United ayaa maanta sameysay mid kamid ah tababaradeeda ay isugu diyaarineyso kulankeeda ugu horeeya horyaalka Premier league oo ay la ciyaareyso Tottenham.
Sabtida ayey ciyaareysaa Man United kulankeeda ugu horeeya.
Memphis Depay, Morgan Schneiderlin, Bastian Schweinsteiger iyo Matteo Darmian ayaa wada rajeynaya in kulankooda ugu horeeya horyaalka ay u saftaan United.
David de Gea ayaa sidoo kale tababarka ka qeybgalay xili lala xiriirinayo inuu ka tagayo Man United.
Ashley Young ayaa isagana ka qeybgalay tababarka kaas oo Van Gaal uu ku kaftay isbuucii hore inuu fiican yahay laakiin uusan Neymar oo kale noqon Karin.

