Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa aaminsan weerarka MSN ee Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar iney noqon karaan seddexda xdiddig ee isugu soo hari doona Abaalmarinta laacibka Adduunka 2015 ee Ballon d’Or.
Seddexdan weeraryahan ayaa xagaagii hore mucjiso sameeyay iyagoo kooxda u suurageliyay iney qaado seddex.
Intaas kuma eka oo waxaa ay dhaliyeen seddexdooda 122 gool taas oo taariiqda kubada cagta horay aan uga dhicin.
Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay Ballon d’Or labadii sano ee la soo dhaafay laakiin madaxweynaha Barcelona ma arko sanadkan inuu kamid noqon karo xitaa seddexda ugu dambeyso iskaba dhaaf inuu ku guuleysto.
“Messi, Suarez iyo Neymar ayaa u qalma in seddexda ugu dambeysa Fifa Ballon d’Or ay isugu yimaadaan.
Midkoodna Suarez iyo Neymar horay uguma aysan soo mid noqon Abaalmarintan seddexda ugu dambeysa laakiin Messi Afar jeer ayuuba hantay Ballon d’Or,
Messi oo 58 gool dhaliyay xagaagii hore 57 kulan uu ciyaaray ayaa ugu cad cad inuu xagaagan hanto jaa’isadan markii Shanaad.