Kooxda Juventus ayaan war aan wanaagsaneyn ka heshay weeraryahankeeda Alvaro Morata kaas oo afar isbuuc garoomada ugu maqnaan doona kadib dhaawac ka soo gaaray kubka.
22 jirkan ayaa ku dhaawacmay tababarkii kooxda ee Tallaadadii.
15 gool ayuu u dhaliyay ciyaaryahanka Spain xagaagii hore kooxda taliyaaniga oo ku dhawaad £16milyan ugu soo wareegay Real Madrid.
Juventus ayaa qoraal ay websetkeeda ku shaacisay waxaa ay ku shaacisay 30 maalmood inuu garoomada ka maqnaan doono Alvaro.
Juventus ayaa Sabtida la ciyaareysa Lazio Supercoppa Italiana.