Adama Traore garab weerarka da’da yer ee kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in uu wadda hadalo la furey kooxda Stoke City oo kamid ah kooxaha saxiixisa aadka u dooneysa.
19 jirkan ayaa waxaa aad loola xiriirinayey kooxaha Aston Vila iyo weliba sidoo kale kooxda Liverpool oo saxiixisa aadka u doonayey balse iminka kooxda Stoke City ayaa aad ugu muuqata in xiddigan ay labadan kooxodba ku garaaci kareyso soo qaadashada saxiixa xiddigan.
Majaladda Daily Mail ayaa daabacdey in xiddigan Adama Traore uu casho xalay la qaatey masuuliyiin ka tirsan maamulka sare ee kooxda Stoke City, isagoona sidoo kale kulankaasi cashada ah la wadaagey xiddigihii saaxibadiisa ahaa ee reer Bracelona kuwaasoo kala ahaa Bojan Krkic, Marc Muniesa, Ibrahim Afellay and Moha El Ouriachi.
Traore ayaa 8 gool kooxda Barcelona B u dhaliyey laba sanadood oo uu toos ugu ciyaarayey.