Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live

Nacho Monreal oo ka rajeynaya Arsene Wenger inuu suuqa lacag ku bixiyo

$
0
0

arsenal-nacho-monreal

Daafaca Arsenal Nacho Monreal ayaa ka rajeynaya kooxdiisa in suuqa kala iibsiga ay kala soo wareegto xiddigo cusub si ay ugu tartamaan sanadka dambe ku guuleysiga horyaalka.

Xiddigaha Arsenal lala xiriirinayo waxaa kamid ah Morgan Schneiderlin iyo Raheem Sterling.

Nacho Monreal ayaa qaba inuu ku kalsoon yahay Arsenal in xiddigo cusub ay la soo wareegeyso.

“waxaan aaminsanahay saxiixyo cusub iney dhacayaan inkastoo hada aan nahay koox fiican hadana hadii xiddig kasta uu 100% taam ahaado sanadka dambe inaan heli doono fursad aan ugu guuleysano horyaalka .

Hal gool ayuu u dhaliyay Arsenal 39 kulan uu u saftay xagaagan kooxdiisa.


AS Roma oo diyaar u ah iney iibsato xiddig ka tirsan Man United

$
0
0

sporting-lisbon-nani

Roma ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Man United ee Nani inkastoo mushaar qaali ah uu doonayo.

28 jirkan ayaa Sporting Lisbon xagaagan u dhaliyay 11 gool 35 kulan uu saftay waxaana uu muujiyay inuu wali xiddigii wanaagsanaa uu yahay.

Nani kuma jiro qorshaha Louis van Gaal sidaa daraadeed Inter iyo Roma ayaa isku haya.

Sida ay qortay The Mirror,Roma ayaa diyaar u ah iney bixiso lacagaha lagu iibin karo xiddigan oo ah £10milyan balse aysan tabar u aheyn mushaarka isbuuclaha oo uu doonayo £100,000—kun in la siiyo.

Sami Hyypia oo raba inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore Liverpool

$
0
0

hoffenheim-bayer-leverkusen_1

Kabtankii hore Liverpool Sami Hyypia ayaa cadeeyay inuu rabi lahaa inuu Liverpool ku laabto si uu caawiye ugu noqdo Brendan Rodgers.

Hyypia oo tababare noqday ayaa laga soo ceyriyay kooxo kala duwan  balse markan raba inuu Reds la shaqeeyo.

Guardian ayuu u sheegay iney u ahaan laheyd wax weyn inuu Liverpool ku laabto.

“waa wax weyn ku laabashada kooxda aan jeclahay,hubaashii aad ayaan u xiiseynayaa Liverpool hadii ay I doonayaan waan caawinayaa,xusuus weyn ayaan halkaas ku leeyahay ayuu yiri.

Hyypia  ayaa xili ciyaareed guuldareystat ku qaatay xagaagii hore kooxda Brighton & Hove Albion.

AC Milan oo wadahadalo kula furatay Portugal gool dhaliye Jackson Martinez.

$
0
0

jackson-martinez-porto

Gudoomiyaha AC Milan Adriano Galliani ayaa u safray dalka Portugal isagoo wadahadalo kula yeelanaya Porto si ay ugu gacan geliyaan weeraryahankooda Jackson Martinez.

Sinisa Mihajlovic ayaa la rajeynayaa inuu kooxdan tababare u noqdo toddobaadka dambe kadib markii ay hadana ku guuldareysatay iney u soo baxdo koobka Yurub.

Sida laga soo xigtay wariyaha Taliyaaniga Gianluca Di Marzio Milan iney ka go’antahay saxiixa Martinez kaas oo Arsenal iyana ay dooneyso.

Galliani ayaa diyaar la ah lacagaha iibka xiddiga iyadoo Porto goor hore ay u diyaarsatay badalkiisa kaas oo ah Federico Santander.

91 gool ayuu u dhaliyay Porto xiddigan tan iyo 2012 tartamada oo dhan

Kooxda Al-sadd oo shaacisay xiliga ay soo bandhigayaan xiddigooda Xavi

$
0
0

CG-EcKRUIAAlktH

Kooxda Al-sadd ayaa ku dhawaaqday xiliga ay soo bandhigayaan xiddigooda cusub ee Xavi kaas oo seddex koob ku soo macsalaameeyay sanadkan kooxdiisa Barcelona.

Kooxda Qatar oo horay ula saxiixatay Xavi ayaa sheegtay Khamiista iney soo bandhigayaan.

Sadd ayaa Twitterkeeda ku cadeysay in Khamiista 5 PM taariiqdana tahay 11-ka June la soo bandhigayo.

Labo sano oo heshiis ayuu la galay kooxda Doha fadhigeeda uu yahay.

Dani Alves oo mustaqbalkiisa maanta u hibeeyay kooxda Barcelona

$
0
0

dani-alves-barcelona_16oqdyh7jk3smzcqx38j4kf0h

Barcelona ayaa ku dhawaaqday maanta in heshiis cusub ay ka saxiixatay daafaceeda Dani Alves.

32 jirkan ayaa lagu waday inuu ka tago kooxda waxaana doonayay kooxo AC Milan ay kamid tahay.

Heshiiskan cusub ayaa ka dhigan inuu sii joogayo Barcelona ilaa sanadka 2017.

Websetka rasmiga ee kooxda ayaa lagu shaaciyay inuu heshiiska cusub dhacay.

Sanadkii 2008 ayuu Barcelona ugu soo wareegay €35 million waxaana uu la qaaday shan horyaal iyo seddex Champions league.

Johan Cruyff”Buffon ayaa ugu qalma Ballon d’Or Lionel Messi

$
0
0

gianluigi-buffon-real-madrid-juventus-champions-league-13052015_14vwlo4cp73mf1c3fkbuzf2nvm

Gianluigi Buffon ayaa ku guuleysan kara Abaalmarinta xiddiga Adduunka ee Ballon d’Or waana wax uu kaga qalmo Lionel Messi waxaa sidaas yiri Johan Cruyff.

Cruyff oo  seddex jeer ugu guuleystay Abaalmarintan ayaa qaba Buffon in xagaagan shaqo fiican uu qabtay ayna macquul tahay in lagu abaalmariyo sidaas waxaa uu u sheegay 68 jirkan Tuttosport.

Dhinaca kale ayuu sheegay juve iney heysato xiddigo kale oo fiican sida  Pirlo, [Arturo] Vidal, [Paul] Pogba iyo [Alvaro] Morata.

Badalka Pirlo ayuu ku tilmaamay iney adagtahay balse ay heli karaan nin isaga u dhigmo uuna yahay Toni] Kroos.

Robin van Persie oo ku dhow inuu noqdo xiddigii seddexaad United oo ku biira Juventus

$
0
0

robin-van-persie-manchester-united

Juventus  ayaa xiiseyneysa iney la soo wareegto weeraryahanka Ma United ee Robin van Persie.

31 jirkan ayey boos la’aan ku soo wajahday kooxda Old Trafford kaliyana 29 kulan ayuu u saftay xagaagan tartamada oo dhan wallow uu dhaawacnaa.

Saaxibadiisii hore ayuu kula biirayaa Juve sida Patrice Evra iyo Carlos Tevez.

Sida ay qortay The Independent Agaasimaha Juve Giuseppe Moratta ayaa ku raba Van Persie inuu ku keeno £10milyan Turin.

2012-kii ayuu Arsenal   £24m kaga soo biiray  Man United.


Mesut Ozil oo amaanay saaxibkiisa Arsenal ee Santi Cazorla

$
0
0

arse-nal_2721317b

Xiddiga Germany ee Mesut Ozil ayaa soo dhaweeyay qaab ciyaareedka xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Santi Cazorla waxaana uu ku tilmaamay qof shaqada ka dhiga mid fudud .

Ciyaaryahanka Spain ayaa sanad fiican ku qaatay Arsenal waxaana uu u dhaliyay 7 gool 13 waa uu caawiyay xagaagii hore.

,waa hal abuure iyo nin maad  badan markaad ka garab ciyaareyso wax waliba sahal ayuu ka dhigayaa waan jeclahay inaan ka garab ciyaaro ayuu yiri.

Cazorla ayaa Gunners ugu soo biiray Malaga 2012.

Filipe Luis oo iska diiday inuu ku biiro sanadkan Real Madrid

$
0
0

filipe-luis

Daafaca kooxda Chelsea Filipe Luis ayaa iska diiday inuu ku biiro xagaagan kooxda Spain ee Real Madrid.

29 jirkan ayaa booskiisa Stamford Bridge uu galab galab yahay  sidaa daraadeed waxaa soo baxday inuu rabo ku laabashada Spain.

Luis oo Chelsea ku biiray sanadkii hore ayaa waxaa kasbashada Mourinho uga guuleystay Cesar Azpilicueta.

Sida ay qortay Marca Real Madrid ayaa xiiseyneysay Luis balse ciyaaryahanka Brazil ayaa iska diiday oo u sheegay hadii Spain uu ku laabanayo in kaliya uu u ciyaarayo Atletico Madrid.

Afarsano ayuu xiddigan ku soo qaatay kooxda Vicente Calderon.

Liiska 21- xiddig caan ah oo heshiiskooda uu dhacayo xili dhow kana tagi kara kooxahooda

$
0
0

Zlatan Ibrahimovic PSG Guingamp Ligue 1 08052015

Bisha January sanadka cusub ee 2016 waxaa jira xiddigo caan ah oo uu dhacayo heshiisyada ay kula jiraan kooxahooda.

Hadii aysan heshiis cusub laga saxiixan xiligaasna kooxo kale ayey si bilaash ah ugu wareegayaan oo bilaa lacag ah.

Goal.com ayaa soo saartay 21-ka xiddig ee heshiiskooda uu dhacayo January 2016.

VICTOR VALDES | Manchester United

CLAUDIO MARCHISIO | Juventus

ILKAY GUNDOGAN | Borussia Dortmund

THEO WALCOTT | Arsenal

WESLEY SNEIJDER | Galatasaray

DAVID DE GEA | Manchester United

ZLATAN IBRAHIMOVIC | Paris Saint-Germain

SOFIANE FEGHOULI | Valencia

CARLOS TEVEZ | Juventus

BASTIAN SCHWEINSTEIGER | Bayern Munich

SAMIR HANDANOVIC | Inter

ROBIN VAN PERSIE | Manchester United

EZEQUIEL LAVEZZI | Paris Saint-Germain

PEPE | Real Madrid

BRANISLAV IVANOVIC | Chelsea’

XABI ALONSO | Bayern Munich

RICCARDO MONTOLIVO | AC Milan

JAN VERTONGHEN | Tottenham

RAFINHA | Barcelona

ANDREA PIRLO | Juventus

 

Lionel Messi oo noqday xiddiga ugu qaalisan kubada cagta,Hazard oo soo raacay,No Ronaldo+Liiska 50 xiddig

$
0
0

article-3116646-297855A300000578-136_636x326

Lionel Messi ayaa ah xiligan xiddiga ugu qaalisan kubada cagta Yurub marka ay timaado in laga iibsado suuqa kala iibsiga,sidaas waxaa shaaciyay CIES oo ah xarunta daraasada kubada cagta.

188 ilaa 207 ayaa ah lacagta lagu iibsankaro Messi waqtigan taas oo ka badan Ronaldo lacagaha lagu iibsan karo sidaas daraasada ayaa lagu sheegay.

Sidoo kale daraasada ayaa shaaciyay in Eden Hazard uu ka qaalisan yahay haatan Cristiano Ronaldo oo kaalinta seddexaad kaga jira liiska 50-ka ciyaaryahan ee ugu qaalisan kubada cagta Yurub.

Qiimeynta waxaa laga eegayaa dhinac kasta,da’da,inta uu la egyahay qandaraaska kooxdiisa,natiijada kooxda uu u soo hooyay sanadkan iyo koobabka uu u qaaday,qaab ciyaareedkiisa,intaas marka la eego waxaa ay soo saartay CIES 50-ka xiddig ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga xiligan.

Liiska 50-ka laacib waa kuwan.

MOST VALUABLE PLAYERS IN EUROPE
xiddiga heshiiskiisa da’diisa qiimaha lagu iibsankaro(£m)
Lionel Messi (Barcelona) 2018 27 188-207
Eden Hazard (Chelsea) 2020 24 99-110
Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 2018 30 83-92
Neymar (Barcelona) 2018 23 66-73
Sergio Aguero (Manchester City) 2019 27 57-63
Raheem Sterling (Liverpool) 2017 20 54-60
Paul Pogba (Juventus) 2019 22 52-57
Diego Costa (Chelsea) 2019 26 52-57
Alexis Sanchez (Arsenal) 2018 26 50-55
James Rodríguez (Real Madrid) 2020 23 46-51
Luis Suarez (Barcelona) 2019 28 44-49
Antoine Griezmann (Atletico Madrid) 2020 24 44-48
Cesc Fàbregas (Chelsea) 2019 28 43-48
Isco (Real Madrid) 2018 23 42-46
Harry Kane (Tottenham) 2020 21 40-44
Gareth Bale (Real Madrid) 2019 25 38-42
Philippe Coutinho (Liverpool) 2020 22 37-41
Thibaut Courtois (Chelsea) 2019 23 37-41
Oscar (Chelsea) 2019 23 35-39
Karim Benzema (Real Madrid) 2019 27 33-37
Mario Gotze (Bayern Munich) 2017 23 32-35
Koke (Atletico Madrid) 2019 23 30-33
Christian Eriksen (Tottenham) 2018 23 30-33
Romelu Lukaku (Everton) 2019 22 29-33
Toni Kroos (Real Madrid) 2020 25 29-32
Willian Borges (Chelsea) 2018 26 29-31
Alvaro Morata (Juventus) 2019 22 28-31
Sergio Busquets (Barcelona) 2019 26 28-31
David Silva (Manchester City) 2019 29 28-31
Edinson Cavani (PSG) 2018 28 28-31
Angel Di María (Manchester United) 2019 27 27-30
Kevin de Bruyne (Wolfsburg) 2019 23 27-30
Wayne Rooney (Manchester United) 2019 29 27-29
Marco Verratti (PSG) 2019 22 26-29
Nemanja Mati? (Chelsea) 2019 26 26-29
Robert Lewandowski (Bayern Munich) 2019 26 26-29
Alexandre Lacazette (Lyon) 2018 24 26-29
Thomas Muller (Bayern Munich) 2019 25 26-29
Manuel Neuer (Bayern Munich) 2019 29 25-28
Mesut Ozil (Arsenal) 2018 26 25-28
Gonzalo Higuaín (Napoli) 2018 27 25-28
Ross Barkley (Everton) 2018 21 25-27
Yaya Toure (Manchester City) 2017 32 25-27
Alex Oxlade-Chamberlain (Arsenal) 2018 21 25-27
Jerome Boateng (Bayern München) 2018 26 24-26
Santi Cazorla (Arsenal) 2017 30 24-26
Danny Welbeck (Arsenal) 2019 24 24-26
Jordan Henderson (Liverpool) 2020 24 24-26
Aaron Ramsey (Arsenal) 2019 24 23-26
Miralem Pjanic (Roma) 2018 25 23-26

RASMI:xiddiga Real Madrid Sami Khedira oo ku biiray kooxda juventus

$
0
0

sami-khedira-real-madrid-100315_1dayz5lij7zda100vyir22ale0

Juventus  ayaa xaqiijisay iney kula soo saxiixatay si bilaash ah xiddiga Real Madrid ee Sami Khedira.

Xiddiga Germany ayaa diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa waxaana doonayay kooxaha Schalke,Chelsea iyo Arsenal laakiin waxaa uu ka doortay Turin.

“juventus waxaa ay xaqiijineysaa maanta iney dhameystirtay saxiixa Khadira ,sidaas waxaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay websetka kooxda.

28 jirkan ayaa u saxiixay Juve heshiis afarsano kaas oo dhamaanaya 30-ka June 2019.

Filim looga hadlayo nolasha guulaha Cristiano Ronaldo oo soo baxaya 2015

$
0
0

cristiano-ronaldo-girlfriend-Irina-Shayk-stars-Hercules

Cristiano Ronaldo ayaa maanta cadeeyay inuu soo baxayo sanadka 2015 filim looga hadlayo waayihiisa guulaha kubada cagta kadib markii labo jeer xiriir ah uu noqday xiddiga Adduunka.

Magaca filimka ayaa lagu sheegay inuu yahay Powerful documentary oo ah musalsal awood badan.

Filimkan ayaa quseeya nolasha gaarka ah ee ciyaaryahankii hore Manchester United waxaana Twitterkiisa uu ku shaaciyay”waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin xaqiijiyo inuu soo baxayo filim aniga iga hadlayo.

Hadaba 2015  oo sanadkan ayuu soo baxaya filimkan oo cajiib noqon doona.

 

Xiddigaha Brazil oo siweyn ugu soo dhaweeyay Porto Alegre kabtan Neymar+sawiro

$
0
0

1501492_heroa

Neymar ayaa ugu dambeyn Brazil gaaray waxaana uu kula biirayaa dalkiisa tartanka Chile ka furamaya ee Coppa America.

Kadib markii uu Barcelona la  qaaday Champions league ayey diyaarad ka qaaday Spain waxaana ay ka dajisay Porto Alegre gaar ahaan hotelka xiddigaha Brazil ay ku jiraan.


Tababare Dunga iyo saaxibadiisa ay iskudalka yihiin ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay.


RASMI:Barcelona oo heshiis cusub ka saxiixday tababare Luis Enrique

$
0
0

luis-enrique-barcelona-celebrate-juventus-barcelona-champions-league-final-06062015_o7a1jd8b553a1dst7amu5dor1

Barcelona ayaa ka dhawaaqday in heshiis cusub ay kala saxiixatay macalinkeeda Luis Enrique.

Heshiiskan cusub ayaa ah mid labo sano waxaana uu meesha ka saaray inuu ka tagayo xagaagan.

Luis Enrique oo ahaa ciyaaryahan hore qad dhexe Barcelona ayaa sanadkiisii ugu horeeyay Barcelona la qaaday seddex koob.

Ilaa sanadka 2017 ayuu la sii joogi doonaa kooxda Barcelona.

Lionel Messi oo gaaray dalka Chile una socda koobkiisii afaraad

$
0
0

Messi-Chile

Lionel Messi ayaa ka dagay dalka Chile oo xiddigaha dalkiisa Argentina ay u joogaan ka qeybgalka Coppa America.

11-ka bishan ayaa lagu wadaa inuu Chile ka furmo tartankan.

Messi oo ah kabtanka dalka Argentina ayaa u socda in koobkii 15 aad ee Coppa America inuu u qaado dalkiisa oo sanadkan ka xoogan sidii koobkii Adduunka ee 2014 finalka guuldaro ka soo gaartay Germany.

Sanadkan Leo ayaa la soo baxay sixirkiisa waxaana uu dhaliyay 58 gool waxaana uu ka caawiyay Barcelona seddex koob iney qaado.

Gregory van der Wiel oo noqon kara saxiixa ugu horeeya Man United

$
0
0

kevin-lejeune-metz-gregory-van-der-wiel-psg

Manchester United ayaa si rasmi ugu dhaqaaqday saxiixa daafaca dambeedka midig ee kooxda Paris Saint-Germain ninka lagu magacaabo Gregory van der Wiel.

Louis van Gaal ayaa doonaya inuu xili ciyaareed xoogan ku bilowda kadib sanadkiisii ugu horeeyay oo kaalinta afaraad uu ku dhameystay.

Kadib markii Dani Alves uu heshiis labo sano u saxiixay Barcelona Van Gaal ayaa rabitaankiisa u weeciyay Van der Wiel kaas oo ay PSG diyaar u tahay iney iibiso waxaana heshiiskiisa ugu harsan halsano.

27 jirkan ayaa Van Gaal kula soo shaqeeyay xulka Holland.

Christian Benteke oo Liverpool deyriyay Albaabadana u furay Arsenal iyo Chelsea

$
0
0

christian-benteke-aston-villa

Christian Benteke ayaa Albabada ka xertay kooxda Liverpool waxaana uu sheegay inuu ku biirayo koox ciyaareysa Champions league.

Xiddiga wadanka Belgium ayaa la hubaa inuu ka tagayo Villa sanadkan waxaana uu u kulul yahay ciyaarista Champions league.

Isagoo lahadlayay Daily Star waxaa uu sheegay inuu rabo xiligan ka ciyaarida Champions league taas oo ah riyadeyda ugu weyn ayuu yiri.

Kooxaha ka qeybgalaya Champions league ee uu ku biiri karo waxaa kamid ah Chelsea, Arsenal iyo Manchester United.

Kevin de Bruyne oo xaqiijiyay in Man City uu wadahadalo kula jiro

$
0
0

wolfsburg-kevin-de-bruyne

Kevin de Bruyne ayaa xaqiijiyay in wakiilkisa uu wadahadal la sameeyay koocxda Manchester City kaas oo ah inuu dib ugu soo laabto markale horyaalka Premier league.

Xiddigii hore Chelsea ayaa waxaa siweyn u dooneysa Man City oo ay u badan tahay inuu xagooda marayo maadaama aysan wajaheynin tartan kooxaha kale.

“haa,wakiilkeyga ayaa horay ula hadlay Man City,aniga waxba ma go’aansan,hal kulan ayaa inoo harsan kadib fasax ayaan galayaa ayuu yiri.

De Bruyne ayaa sanad guulo ah la qaatay kooxdiisa Wolfsburg oo uu u dhaliyay 10 gool islamarkaana caawiyay 21 gool.

Viewing all 1718 articles
Browse latest View live