Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live

Gerard Pique oo kula taliyay Luis Enrique inuu sii ahaado tababaraha Barcelona

$
0
0

barcelona-luis-enrique

Gerard Pique ayaa ku kalsoon in tababarahiisa seddexda koob xagaagan ku guuleystay ee Luis Enrique inuu sii joogi doono Cam Nou maadaama la tilmaamayo inuu ka tagayo.

3-1 oo ay ugu badiyeen Juventus ayuu ku xaqiijistay Luis Enrique seddex koob sanadkiisii ugu horeeyay.

45 jirkan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo in Barcelona uu hogaaminayo sanadka dambe iyo in kale.

“go’aanka joogistiisa aniga ma lahi laakiin fiiri sida uu u dabaaldagay waa uu jecelyahay kooxda,waan hubaa inuu sii joogi doono Barcelona ayuu yiri daafacan.

Enrique ayaa noqday macalinkii ugu horeeyay Blaugrana ee xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay seddex koob ku guuleysta tan iyo Pep Guardiola 2008-09.


Real Madrid oo ka dooneysa Chelsea Eden Hazard iyo Diego Costa.

$
0
0

roma-napoli_1

Macalinka Real Madrid Rafael Benitez ayaa la soo warinayaa inuu isha ku hayo ciyaaryahanada Chelsea Eden Hazard iyo Diego Costa.

Costa ayaa siweyn waxaa sanadkan lala xiriirinayay inuu ka tagayo London oo uusan ku faraxsaneen waxaana uu doonayaa Spain.

Sidoo kale Hazard oo kalhore heshiis u saxiixay Chelsea  ayey Real Madrid dooneysaa Stamford Bridge iney ka kaxeystaan wallow ciyaaryahanka uu beeniyay inuu Blues ka tagayo.

Benitez ayaa ku soo guuldareystay shaqada Napoli oo uu ka qeybgali waayay Champions league waxaana uu haatan xoogaa sarayaa labadan saxiix.

Xiddigiha Spain oo maanta loo wacay iyo Andres Iniesta oo shaki la geliyay

$
0
0

andres-iniesta-barcelona_1

Xiddiga qadka dhexe Barcelona Andres Iniesta ayaa shaki laga gelinayaa inuu ciyaari karo kulanka saaxibtinimo Costa Rica ay la ciyaarayaan toddobaadka dambe maadaama uu qabo dhaawac muruqa.

31 jirkan ayaa 77 daqiiqo u ciyaaray habeenkii dhawaa Barcelona waxaana uu ciyaaray isagoo dhaawac ah.

Xiriirka Spain ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in xiddigihii juve iyo Barcelona ee Spain ee ciyaaray Finalka iney ku soo biiraan 8 xulka Spain isniinta maata.

Xidigahaas ayaa kala ah Jordi Alba, [Marc] Bartra, [Sergio] Busquets, Pedro and [Gerard] Pique, iyo [Alvaro] Morata .

Andres Iniesta ayaan u muuqan inuu ka qeybgali doono maanta laakiin waxaa ku dhawaaqaya xaaladiisa dhaqaatiirta caafimaadka xulka.

Spain ayaa sidoo kale la ciyaareysa ciyaaraha Euro 2016 xulalka Belarus kadibna Costa Rica.

Wax waliba oo aad ugu baahantahay saxiixa cusub ee Barcelona Aleix Vidal

$
0
0

 

296E4C2000000578-3114561-image-a-16_1433710111613

Barcelona ayaa ku dhawaaqday saxiixa Aleix Vidal oo ka tirsanaa kooxda Sevilla waxaana ay kala saxiixdeen heshiis shansano ah.

Xiddiga garabka midig ayaa £7.5milyan ugu wareegaya kooxda Yurub ugu fiican kadib markii xili ciyaareed fiican uu la qaatay kooxdiisa Rojiblancos-ka.

25 jirkan ayaa ka caawiyay kooxdiisa koobka Europa League waxaana uu u saftay xagaagan tartamada oo dhan 35 kulan.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in warbaahinta loo soo bandhigo.

Xiddigan ayaa ka ciyaari kara booska daafaca midig waxaana ay Barcelona rabtaa iney ku badalato Dani Alves.

Dhinaca kale Aleix Vidal ayaa ku biiri kara Barcelona bisha January 2016 maadaama tan iyo xiligaas uu saaran yahay ganaaxa suuqa kala iibsiga laakiin ciyaaryahano waa ay sii diiwaangishan karaan.

Inta xiligaas laga gaarayo Vidal ayaa sida Suarez oo kale kooxdiisa cusub sii baranaya.

Ilkay Gundogan oo ku sii dhawaanaya ku biirista Manchester United

$
0
0

juventus-v-borussia-dortmund-uefa-champions-league-round-of-16

Man United ayaa wali ugu cad cad saxiixa ciyaaryahanka  Ilkay Gundogan kadib markii Barcelona ay ka baxday doonistiisa.

24 jirkan waxaa kaloo dooneysay Bayern Munich laakiin waxaa uu ka dalbaday lacago qaali  ah.

Sida laga soo xigtay Alfredo Martinez oo ah joornaaliste ka soo raacay Barcelona Berlin ayaa sheegay Gundogan inuusan ku biireyn Barcelona taas oo fursad u ah United.


Dortmund halyeygeeda Karl-Heinz Riedle ayaa Goal.com u sheegay inuu yahay Gondogon Germany Xavi.

Dhinaca kale United ayaa Radja Nainggolan kaga dooneysa Roma £10.9million.

Zlatan Ibrahimovic oo raba inuu kala doorto AC Milan iyo Liverpool

$
0
0

fbl-fra-cup-psg-auxerreLiverpool ayaa AC Milan kula dagaaleysa saxiixa weeraryanka PSG Zlatan Ibrahimovic.

Weeraryahan la’aan ayaa hoos u dhigtay xagaagan Liverpool waxaana ay badalkii Suarez ay u arkaan Ibra.

Ciyaaryahanka Sweden ayaa la sheegay inuu saaxibadiisa u sheegay inuu ka tagayo PSG waxaana ay kooxdiisa diyaar u tahay iney dirto sidaas waxaa qortay Tuttomercatoweb.

AC Milan ayaa dooneysa iney dib u soo ceshato laakiin Ibra waa kala laba labeynayaa inuu ku laabto hayeeshee Liverpool ayaa u raadineysa £10.9million.

Liverpool oo maanta si rasmi u shaacisay in xiddigii labaad ay la soo wareegtay

$
0
0

danny-ings-burnley-west-ham_mu8p3dcbl9ex1fxkfsyfpw4rh

Liverpool ayaa maanta ciyaaryahankii labaad waxaa ay kala soo wareegtay suuqa kala iibsiga.

Si rasmi ah waxaa ay Liverpool gacanta ugu dhigtay 22 jirka  weeraryahanka Danny Ings oo ka tirsanaa kooxda Burnley .

Qandaraaska uu kula jiray kooxdiisa ayaa dhacay waxaana Liverpool ay ku garaacday heshiiskiisa Tottenham iyo Real Sociedad.

Liverpool ayaa Twitterkeeda si rasmi ugu cadeysay in heshiiska uu dhacay kuna faraxsan tahay.

Jose Mourinho oo weeraryahan dalbaday iyo Radamel Falcao oo ku sii dhawaanaya

$
0
0

falcao-manchester-united-premier-league_1uhpttjrrvpgu1k6ce7knu5r0e

Radamel Falcao ayeysan fogeyn xiliga uu noqonayo xiddig Chelsea ah kadib markii uu Jose Mourinho xaqiijiyay in kooxdiisa ay weeraryahan cusub soo iibsaneyso.

Mourinho ayaa daboolka ka qaaday isagoo lahadlayay Sunday Times inuu u socda soo iibsashada weeraryahan cusub.

Blues ayaa maalmahan wada xaajood waxaa ay kula jirtay Radamel Falcao waxaana suuragal ah inuu yahay weeraryahanka uu sheegayo Mourinho.

Ujeedka tababaraha Chelsea ayaa ah inuu helo seddex weeraryahan maadaama uu meesha ka baxayo Drogba.


Javier Hernandez oo ku kalsoon inuu ka helayo xagaagan Man United boos

$
0
0

javier-hernandez-real-madrid-atletico-madrid-champions-league-22042015_1caqnmhxia6yf1nyobaf29snp1

Javier Hernandez  ayaa ku kalsoon in xagaaga dambe uu helayo fursad uu ugu ciyaaro kooxdiisii hore Manchester United.

Van Gaal ayaa sanadkii hore xiddigan amaah ku siiyay Real Madrid oo uu u dhaliyay 8 gool 31 kulan uu u saftay tartmada oo dhan.

Laakiin Louis van Gaal ayey u badan tahay Javier inuu u baahan yahay kadib markii ay fashilmeen Radamel Falcao iyo Robin van Persie.

Hernandez ayaa u sheegay Marca in United ay ka qeybgaleyso isreeb reebka koobka Yurub ayna jiri doonaan kulamo badan iney ciyaarto sidaa daradeed waxaan u maleeyaa inaan helayo fursad aan ugu ciyaaro Man United ayuu yiri.

Man United iyo Arsenal oo looga guuleystay saxiixa Alexandre Lacazette

$
0
0

lyon-alexandre-lacazette

Zlatan Ibrahimovich ayey u badan tahay inuu Liverpool iyo AC Milan midkood ku biiro kadib markii Paris Saint-Germain ay soo baxday iney ku guuleysatay saxiixa Alexandre Lacazette.

24 jirkan oo ka tirsanaa kooxda Lyon ayaa waxaa doonayay Arsenal iyo Man United laakiin Get French Football  ayaa qortay in PSG ay la gaartay heshiis shansano ah.

Lacazette ayaa dhaliyay 51 gool 139 kulan uu u saftay Lyon tan iyo 2003.

Laakiin warar ayaa sheegaya PSG in sanad amaah ay ku siineyso kooxdiisii Lyon.

Antonio Conte oo ku dhawaaqay liiska xiddigihiisa uu kala hortagayo Croatia

$
0
0

conte-hat-train490epa_2

Macalinka Italy Antonio Conte ayaa tababarka dhexdiisa ku tijaabinaya shaxda  4-3-3 si uu ugu ciyaaro kulanka Croatia au la ciyaarayaan isreeb reebka Euro 2016.

Liiska Xiddigaha Conte uu soo xushay waxaa ay kala yihiin.

Goolhayayaasha: Buffon (Juventus), Padelli (Torino), Sirigu (Paris Saint Germain);

Daafacyada: Astori (Roma), Barzagli (Juventus), Bonucci (Juventus), Darmian (Torino), De Sciglio (Milan), De Silvestri (Sampdoria), Moretti (Torino), Pasqual (Fiorentina), Ranocchia (Inter);

Qadka dhexe: Bertolacci (Genoa), De Rossi (Roma), Marchisio (Juventus), Parolo (Lazio), Pirlo (Juventus), Soriano (Sampdoria), Verratti (Paris Saint Germain);

Weerarka: Candreva (Lazio), El Shaarawy (Milan), Gabbiadini (Napoli), Immobile (Borussia Dortmund), Matri (Juventus), Pellè (Southampton), Sansone (Sassuolo), Vazquez (Palermo), Zaza (Sassuolo)

Sinisa Mihajlovic oo heshiis tababaranimo la gaaray AC Milan

$
0
0

Mihajlovic-unconvinced490epa_1

Wararka Taliyaaniga ka soo baxaya ayaa sheegaya AC Milan In heshiis labo sano ay kala saxiixatay tababare Sinisa Mihajlovic oo ahaa ciyaaryahan hore oo ka tirsanaa kooxda Inter Milan.

Laakiin wali AC Milan ma go’aansan iney xilka ka qaado tababaraheeda iminka ee Inzaghi.

Sinisa Mihajlovic ayaa kulan la qaatay Silvio Berlusconi iyo Adriano Galliani waxaana uu warqada ku jiiday labo sano oo heshiis.

Sky Sport Italia ayaa cadeysay in heshiiska uu dhacay oo ninkan uu xilka la wareegayo mar ala markii ay noqoto in Inzaghi xilka laga la qaado.

Hugo Lloris oo raba inuu Man United u buuxiyo booska David de Gea

$
0
0

hugo-lloris-tottenham-hotspur

Goolhayaha Tottenham Hugo Lloris ayaa raba inuu Albaabada u furo Manchester United,sidaas waxaa sheegtay Sun.

Ciyaarayahanka France ayaa bartilmaameed u ah Louis van Gaal oo raba inuu ku badasho David de Gea oo ku sii jeeda Real Madrid.

David de Gea ayaa u sheegay qaar kamid ah xiddigaha United inuu ku biirayo Real Madrid.

Sida iska cad waxaa badalkiisa uu noqonayaa 28 jirkan oo 99 kulan u saftay Spurs markii uu kaga soo biiray Lyon 2012.

Mino Raiola “Zlatan Ibrahimovic kuma laabanayo AC Milan

$
0
0

zlatan-ibrahimovic-paris-saint-germain_18u6zb118zh311a0phvjft1ayz

Wakiilka weeraryahanka Paris Saint-Germain  Mino Raiola ayaa sheegay PSG iney u ogolaaneynin Zlatan Ibrahimovic inuu ku laabto AC Milan.

Madaxweynaha Milan ayaa u dhaqaaqay qorshaha uu kula soo saxiixanayo xiddigoodii hore ee u ciyaarayay intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2012 kulana guuleystay Serie A.

Milan ayaa ku soo jiidaneysa 32 jirkan heshiis qaali ah xili la soo warinayo inuusan ku faraxsaneyn Parc des Princes tan iyo bishii April markaas uu mucaaradaad badan kala kulmay xiriirka dalkaas oo uu isaga aflagaadeeyay marka hore.

Mino Raiola ayaa sheegay inuu la lahadlay madaxweyne Nasser Al-Khelaifi waxaana uu ii sheegay ayuu yiri in Ibrahimovic uusan iib aheyn.

Milan ayaa ku dhameysatay xagaagan booska 10 aad.

Barcelona oo soo bandhigtay xiddigeeda cusib ee Aleix Vidal+sawiro

$
0
0

article-3115239-2972888700000578-980_636x427

Barcelona ayaa maanta ku soo bandhigtay garoonkeeda Cam Nou saxiixeeda cusub ee Aleix Vidal.

25 jirkan oo ka ciyaari kara boosaska dambeedka midig iyo garabka weerarka ayaa ugu soo wareegay Barcelona kooxda Sevilla.

Laakiin Uma ciyaari doono Barcelona ilaa bisha January 2016 maadaama uu ganaax ka saaran yahay suuqa kala iibsiga.

Xiddigan ayaa Barce u badalaya booska Dani Alves oo lagu wado inuu ka tago kooxdan.

Aleix Vidal holds up a Barcelona shirt as he is unveiled following his move from Sevilla
The former Almeria player waves to Barcelona fans as he is presented at the Nou Camp on Monday
Vidal gives the thumbs up as he is presented in front of the supporters following the £9million switch
It's thumbs up from the Barca new boy
Vidal shows off his skills as he does keep-ups on the Nou Camp pitch

Arsene Wenger oo tababare looga dhigay xiddigaha ku nasiib darooday Champions league

$
0
0

2969437F00000578-3115251-image-m-33_1433767370411

Xiddigihu kala nasiib badnaa waxaa jira ciyaaryahano si lama filaan horayba ugu guuleysta iyagoo dhalinyara ah koobka horyalada qaarada Yurub ee Uefa Champions league.

Neymar ayaa kamid ah da’yarta koobkan hantay laakiin waxaa jira xiddigo caan ah oo ka shalaaynaya in waligood aysan koobkan hanan.

Thomas Vermaelen  ayaa koobkan ku guuleystay isagoon hal kulana u ciyaarin Barcelona.

Dailymail ayaa soo bandhigtay oo koox ka sameysay xiddigaha  waa weyn ee aan ku guuleysan Champions league.

Kooxdan waxaa tababare u ah Arsene Wenger oo aan isagana waligii koobkan ku guuleysan.

Ronaldo scoring for Real Madrid against Manchester United in the 2003 quarter-final 

Kooxdan keydkooda waxaa ay kala yihiin Seaman, Campbell, Ayala, Ballack, Cantona, Ibrahimovic, Batistuta

Koob loogu talo galay Ciyaartooyda cuslaatay ee gobolka Dalarna oo beri Borlänge xariga laga jari doono SAWIRO+

$
0
0

Maanta ayaa waxaa la tuuray qori tuurkii kooxaha ka qeyb galaya tartan sannad waliba lagu qabto magaalada Borlänge inkastoo sannadkaan loo badalay qaab ka duwan sidii sannadihii ugu danbeeyey ay u dhacday.

Maccallin Saciid oo ah macallin si weyn looga yaqaan gobolkan Dalarna iyo magaalada Borlänge isagoo inta badan waqti ku bixiyey inu soo saaro arday tiro badan oo ka qalin jabisay dugsi lagu barto gaadiidka wadista iyo aqrintiisa taasoo lacago badan ku baxda ama ay adag tahay inaadba imtixaanaadka ku gudubto isaga la’aantii.

Sannad waliba marka la gaaro xiligaan oo kale ayaa la qabtaa tartan kubadda cagta ah iyo waliba xaflad sagootin ah ardaydii wax kabaranaysay oo ka nasanaysa waxbarashada dugsiga tababaraka wadista gaadiidka.

Kooxaha ayaa waxaa loo qeybiyey Old Boys ama ciyaartooya cuslaatay oo afar kooxood ah sedex ka mid ah ayaa waxaa ay dhisan yihiin magaalada Borlänge halka kooxda kale ay ka imaanayso magaalada Ludvika oo 40km u jirta magaalada Borlänge oo ay ku nool yihiin ciyaartooy cuslaatay oo Somalia si weyn looga garanayo.

Waxaa maalinta beri ah iska hor imaan doona kooxaha Tayo oo Borlänge ah iyo Jakis Old Boys oo isla Borlänge ah maalinta xigta ayaa waxa iska hor imaan doono Ludvika iyo Horseed waxaana la bilaabi doonaa 18:00 iyo Sportfälltet-ka.

Xaflada ayaa lagu qabtay maqaayada cusub ee laga furay faras magaalada Borlänge marka si kale loo yiraahdo Center-ka, iyadoo lagu soo beegay furitaanka maqaayadaan cusub uu maamulaha ka yahay Macallin Abdifaraax.

IMG_1795
IMG_1796 IMG_1802 IMG_1801 IMG_1800 IMG_1799 IMG_1798
IMG_1838 IMG_1837 IMG_1836 IMG_1835 IMG_1834 IMG_1833 IMG_1832 IMG_1831 IMG_1830 IMG_1829 IMG_1827 IMG_1826 IMG_1825 IMG_1824 IMG_1823 IMG_1822 IMG_1821 IMG_1820 IMG_1819 IMG_1814 IMG_1813 IMG_1812 IMG_1811 IMG_1810 IMG_1809 IMG_1808 IMG_1807 IMG_1806 IMG_1805 IMG_1804 IMG_1803
IMG_1848IMG_1846IMG_1842IMG_1841IMG_1840IMG_1839
IMG_1850

Manchester United oo ka soo horjeesatay Victor Valdes inuu ku laabto Spain

$
0
0

manchester-united-victor-valdes

Manchester United  ayaa cadeysay ineysan goolhayaheeda Victor Valdes aysa u ogolaaneynin inuu ku laabto dalkiisa hooyo ee Spain.

Xiddigan oo inta badan dhaawac ahaa ayaa United u saftay labo kulan oo dhamaadka xagaaga dhacay.

Daily Mail ayaa qortay in 32 jirkan ay dooneyso iney iibsato Valencia laakiin Louis van Gaal uu diiday taasi.

Goolhayaha koowaad ee Man United ayaa laga yaabaa inuu Real Madrid ku biiro taas oo ka dhigan Victor Valdes inuu booska koowaad galaya ilaa laga keeno goolhayayaal la tartama sida Hugo Lloris iyo Petr Cech.

Petr Cech oo shaaciyay goorta uu ka tagayo Chelsea isagoo dooranaya Arsenal

$
0
0

petr-cech-chelsea

Goolhayaha Chelsea Petr Cech ayaa sheegay inuu jecelyahay nolasha magaalada London hadii uu ka tagana waxyaabo badan ay ku  adkaanayaan isaga.

33 jirkan ayaa la rajeynayaa inuu ka tago  Stamford Bridge waxaana uu ku biirayaa koox uu boos joogto ka helayo.

Arsenal ayaa rabta hadii uu Chelsea ka tago in London ay ku celiso waana halka uu xiiseynayo.

Isagoo lahadlayay wariyaasha waxaa uu yiri” doorashadeyda waxaa ay ku saleysan tahay waxa u wanaagsan qoyskeyga iyo aniga,toddobaadka dambe Chelsea kulan ayaan laleeyahay markaasna wax waliba ayaa cadaan doono.

“hadii aan baxayo dhib ayey ii keeneysaa markaas waa inaan wax waliba badalaa oo aan raadiyaa guri,iskuulka caruurta iyo waxyaabo kale ayuu yiri.

Yacni hadii London uu ka tago meel kale ayuu deegaan ku noqonayaa laakiin hadii uu sii joogo wax waliba sidiisa ayey u ahaan doonaan.

Marka waxaa qasab ku ah hadii uu Chelsea ka tago inuu Arsenal ku biiro oo iyadana London ka dhisan..

2004 ayuu ku soo biiray Chelsea.

Inter Milan oo maalmaha soo socda xaqiijineysa saxiixa Mohamed Salah

$
0
0

fiorentina-dynamo-kiev-yevhen-khacheridi-mohamed-salah

Inter ayaa talaabo u qaaday saxiixa xiddiga Chelsea Mohamed Salah.

Salah ayaa Chelsea ku soo biiray 2014 laakiin waxaa amaah lagu siiyay kooxda Fiorentina maadaama uu boos joogto ka waayay.

Ciyaaryahanka Masar ayaa ku faraxsan waayaha uu ku qaatay Fiorentina waxaana uu rabaa inuu si joogto ugu wareego kooxdaas.

Laakiin Tuttosport ayaa qortay inaan la ogeyn kooxda uu u ciyaari doono xagaaga dambe maadaama ay bilowday Inter iney la xaajoodaan wakiilka xiddiga.

Inter ayey u badan tahay iney iibsato maadaama Viola amaah kale ay ku dooneyso.

Viewing all 1718 articles
Browse latest View live