Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live

Rivaldo oo ku dhawaaqay 11-ka xiddig ee ugu jeclaa Champions league,No C, Ronaldo

$
0
0

article-3113343-2965D32F00000578-890_636x382

Rivaldo ayaa ku guuleystay Champions league markii uu AC Milan joogay sanadkii 2003 markaas oo ay koobka ka qaadeen Juventus.

Xiddigii hore Brazil ayaa ku dhawaaqay 11-kiisa xiddig riyada ee ugu jeclaa Champions league.

Shan kamid ah xiddigaha uu soo xushay waxaa ay u dhasheen Brazil waana Dida, Cafu, Roberto Carlos, Ronaldinho iyo Ronaldo.

Rivaldo played alongside goalkeeper Dida (pictured) at AC Milan and also at international level with Brazil

Kooxdiisii hore Barcelona ayuu ka soo qaatay Lionel Messi iyo Xavi laakiin shaxdan ayaa laga waayay C,ronaldo.

Rivaldo's Champions League dream team

 


Markii Shanaad Taariikhda Barcelona oo la hoyotay koobka Championka League-ha. SAWIRO+

$
0
0

Markii shanaad ayay Barcelona ku guuleysatay koobka Champion League-ha ka dib markii 3 – 1 ay kaga faraxasheen kooxda Juventus oo sannadkaan wacdaro ka dhigtay garoomada qaarada Yurub.

Barcelona gool ayay ku hormartay kaasoo ku yimi isu dhiib dhiibkii lagu yiqiin kooxda Barca iyo xidigaheeda Neymar iyo Iniesta waxaana loo salaxay wiilka ku cusub kooxdaasi ee Ivan Rakitic.

Goolka oo waqti hore dhashay ayaa la filaayey ineey imaan karaan goolal tiro badan ka hor inta aan qeybta hore dhamaan, hase yeeshee Juventus waxa ay lasoo baxday waji ka duwan tii la filaayey.

Difaacyada Juventus dadaal dheeri ah ayay la imaadeen iyadoo ay laf dhuun gashay ku noqdeen Messi oo la dhihi karay ma jirin dhaqdhaqaaqii lagu yiqiin oo si wanaagsan ayaa loo hakiyey waloow ay inta kale ka faa’ideysanayeen.

Qeybtii hore 1 – 0 ay kusoo idlaatay markii la isu soo laaabtay ayay Juventus la imaadeen goolkii barabaraha kaasoo ka dhashay markii Tevez uu laad xoogan ku ganay gool hayaha Barca isagoo afaafka hore soo dhigay goolhayaha waxaana dhamaystiray  Alvaro Morata.

Ciyaarta hadii ay noqotay 1 – 1 Juventus waxay xooga saartay sidii ay goolal kale ay ula imaan lahayd waxaase fursad ay u noqotay Barcelona oo heshay fursado ay goolal gaadmo ah ku dhalin kartay waxaana riyadooda u rumeeyey Suarez markii uu goolkii labaad daba mariyey goolhaye Buffon. Neymar ayaa gool uu dhaliyey laga diiday markii uu madaxa la waayey uu gacanta ku dhaliyey laakin qiyaanadaasi waxaa diiday garsooraha goolka gadaashiisa taagnaa.

Goolkii sedexaad ayaa ku yimi gaadmo markii daqiiqadii ugu danbeysay ay laad xor oo ay heleen Juventus uu madaxa kusoo saaray Pique wuxuuna lugta ugaliyey  Pedro Rodriguez oo badal kusoo galay daqiiqad ka hor isagoo ugu faa’ideyey Neymar oo goolkii sedexaad shabaqa ku riday.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 3 – 1 ay guushu ku raacday xidigaha Barcelona, waxaana ay farxad u ahayd Xavi oo u noqonaysa koobkiisa ugu danbeeyey uu Championka ka ciyaaro iyo kooxdiisa isagoo kubadii lagu ciyaarayey horey u qaatay halka Pique uu isagana maqas kusoo jartay shabaqii goolashii danbe laga dhaliyey.

Pirlo ayaa niyad xumo garoonka kaga baxay maadaama isagana uu faaruqin doono garoomada qaarada Yurub isagoo kusii jeeda horyaalka dalkaasi Mareykanka.

Tababare Luis Enrique ayaa kooxdaani u qaaday sedexdii koob ay u tartamayeen isagoo noqonaya mid taariikhda baal dahab ah kagalaya maadaama ay u ahayd sannadkiisa ugu horeysay.

Barcelona oo qaaday shan jeer taariikhda Championka ayay kala qaaday sannadihii

1991/1992
2005/2006
2008/2009
2010/2011
2014/2015

barca0
barca00 barca31 barca30 barca29 barca28 barca27 barca26 barca25 barca24 barca23 barca22 barca21 barca20 barca19 barca18 barca17 barca16 barca15 barca14 barca13 barca12 barca11 barca10 barca9 barca8 barca7 barca6 barca5 barca4 barca3 barca2 barca1 barca

 

Robin van Persie oo ku goodiyay inuu ka tagayo Man United

$
0
0

manchester-united-robin-van-persie

Robin van Persie ayaa u socda inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa Man United hadii xagaaga dambe uu key ku sii jiro.

31 jirkan ayaa ku dhameystay xagaagii dhamaaday dhaawac.

Isagoo lahadlayay The Mirror waxaa uu sheegay inuu lahadlay Van Gaal waana ka xumahay xiligan meel ugama socda United ayuu yiri.

Laakiin  hadii ay igu dhacdo Falcao oo kale waan ka tagayaa kooxda xili ay raadineyso Lazio.

Paul Pogba oo shaki geliyay mustaqbalkiisa kooxda Juventus

$
0
0

juventus-paul-pogba

Paul Pogba ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa in juventus uu u sii ciyaarayo xagaaga dambe iyo in kale.

Kadib 3-1 kooxdiisa looga qaaday Finalka 2015 ee Champions league ayaa la weydiiyay su’aalahan.

£70milyan ayaa lagu wadaa inuu xagaagan ugu tago kooxda dalka Taliyaaniga ee Juve.

“marabo inaan ka hadlo tani,mustaqbalka waa uu socdaa ayuu yiri Poga isagoo lahadlayay ITV.

Kooxaha sida weyn u raba waxaa kamid ah Manchester City, Barcelona iyo Paris Saint-Germain.

Jackson Martinez oo kooxdiisa ay u fasaxday inuu ku biiro Arsenal

$
0
0

jackson-martinez-porto

Arsenal ayaa ku sii dhawaaneysa iney la soo saxiixato weeraryahanka Porto Jackson Martinez kadib markii loo diiday inuu ku biiro kooxda Atletico Madrid.

Metro ayaa qortay in Arsene Wenger ayaa doonaya inuu la soo wareego ciyaaryahanka ka dhexmuuqday Champions league xagaagan.

Ila hoose oo laga helayo Porto ayaa sheegaya in xiddiga ay u sheegtay inuu bixi karo xagaagan Arsenal ayaana diyaar u ah iney ku iibsato £25milyan.

Gunners ayaa xagaagan ku dhameysatay booska seddexaad waxaana ay latimid 75 dhibcood.

Javier Hernandez oo sheegay inuu kala ogeyn Real Madrid iyo Man United kooxda uu marayo xageeda

$
0
0

real-madrid-javier-hernandez_2

Weeraryahanka Man United Javier Hernandez ayaa soo dhaweeyay tababaraha cusub ee Real Madrid Rafael Benitez waxaana uu qabaa inuu shaqo fiican u qabo doono kooxda Spain.

Hernandez ayaa xagaagii hore amaah ugu ciyaarayay kooxda Spain waxaana uu rabaa in markale uu xagaagan dib ula shaqeeyo tababaraha cusub.

Xiddiga ayaa sheegay inuusan kala ogeyn halka uu u ciyaari doono xagaaga dambe Real Madrid ama Man United.

Ancelotti ayuu sheegay inuu tababarahiisa ahaa laakiin Benitez maya maxaa yeelay uma baahna inuu ila hadlo oo amaah ayaan kooxda ugu joogay ayuu ku daray.

Hernandez  ayaa dhaliyay 7 gool 23 kulan uu u saftay sanadkii hore Real Madrid.

Patrice Evra”qalad ayey igu aheyd inaan ka tago Man united

$
0
0

patrice-evra-manchester-united

Ciyaaryahankii hore Man United Patrice Evra ayaa sheegay iney aheyd wax adag inuu ka tago koox uu u soo ciyaarayay mudo siddeedsano ah  kadib markii uu kaga biiray Juventus.

34 jirkan ayaa sanadkiisii ugu horeeyay labo koob la qaaday Juve xili xalayna laga qaaday Champions league.

Sky Sports ayuu u sheegay”waa ay igu adkeyd inaan United ka tago ,marwaliba waad guuleysaneysaa markaad koox kale u tagto laakiin inaad ka tagto koox Man united oo kale waa go’aan qaldan ayuu yiri.

Laakiin Evra ayaa ku faani kara inuu ciyaaray xalay finalkiisii shanaad iyo kiisii seddexaad uu kaga horyimaado Barcelona.

Ivan Rakitic”Si sahal ah ayaan ugu badinay Juventus

$
0
0

barcelona-ivan-rakitic_1

Ivan Rakitic ayaa daboolka ka qaaday inuu la yaaban yahay sida fudeedka leh ay Juventus 3-1 ay  ugu badiyeen finalka Champions league.

Rakitic ayaa dhaliyay goolkii hore Barcelona wallow uu soo bar bareeyay Alvaro Morata.

Luis Suarez ayaa kadib dhaliyay goolkii guusha ansixiyay.

Sky Sports News ayuu u sheegay in Juventus ay ka gaareen guul sahal ah ayna usocdaan xagaaga dambe in koobab badan ay ku guuleystaan.


Jamie Carragher oo ku faanaya Luis Suarez inuu ahaa xiddig Liverpool ah

$
0
0

barcelona-luis-suarez_2

Jamie Carragher ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xiddigii hore Liverpool Luis Suarez uu ku guuleysto koobka qaramada Yurub ee Uefa Champions league.

Sanadkii 2014 ayuu Suarez ugu soo wareegay Barcelona £75milyan kadib markii uu ku guuldareystay inuu u qaadi waayo Liverpool koobka Premier league.

28 jirkan ayaa dhaliyay goolkii Barcelona ay ku adkaatay wallow Neymar uu waqti dambe uu mid kale dhaliyay.

Jamie Carragher ayaa ku amaanay Suarez bandhigiisii xalay kuna faraxsanyahay maadaama Liverpool uu soo maray.

 

Lionel Messi oo la gudoonsiinayo kabta dahabka Gool dhalinta Champions league

$
0
0

Ronaldo-Neymar-and-Messi-Main

Dad badan ayaa ku muransan cida sanadkan la siin doono kabta gool dhalinta Champions league maadaama seddex ciyaaryahan ay min 10 gool dhaliyeen.

Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar ayaa wada dhaliyay xagaagan min 10 gool.

Laakiin websetka Uefa ayaa lagu daabacay in Messi uu ugu sareeyo maadaama uu ka caawin badan yahay labada kale.

Hadii ay isku gool noqdaan xiddigaha waxaa laga fiiriyaan sida uu xiddiga ugu caawiyay gool kooxdiisa Messi ayaana lix caawin sameeyay Champions league waana ninka ugu badan isagoo labo caawin dheer Ronaldo oo sameeyay afar caawin.

2014/15 UEFA Champions League top scorers

Lionel Messi (FC Barcelona) 10

Cristiano Ronaldo (Real Madrid CF) 10

Neymar (FC Barcelona) 10

Taariiqda Sida loogu kala guuleystay gool dhalinta Champions league tan iyo 1992-dii

$
0
0

92e3a065-c00c-427f-b33a-e0dad12169da_blog_ln_

Kadib markii ay isku guul noqdeen Ronaldo,Messi iyo Neymar sanadan waxaan idin soo gudbineynaa xiddigaha horay ugu guuleystay gool dhalinta Champions league.

2013/14: Cristiano Ronaldo (Real Madrid CF) 17

2012/13: Cristiano Ronaldo (Real Madrid CF) 12

2011/12: Lionel Messi (FC Barcelona) 14

2010/11: Lionel Messi (FC Barcelona) 12

2009/10: Lionel Messi (FC Barcelona) 8

2008/09: Lionel Messi (FC Barcelona) 9

2007/08: Cristiano Ronaldo (Manchester United FC) 8

2006/07: Kaká (AC Milan) 10

2005/06: Andriy Shevchenko (AC Milan) 9

2004/05: Ruud van Nistelrooy (Manchester United FC) 8

2003/04: Fernando Morientes (AS Monaco FC) 9

2002/03: Ruud van Nistelrooy (Manchester United FC) 12

2001/02: Ruud van Nistelrooy (Manchester United FC) 10

2000/01: Raúl González (Real Madrid CF) 7

1999/2000: Mário Jardel (FC Porto), Rivaldo (FC Barcelona), Raúl González (Real Madrid CF) 10

1998/99: Andriy Shevchenko (FC Dynamo Kyiv), Dwight Yorke (Manchester United FC) 8

1997/98: Alessandro Del Piero (Juventus) 10

1996/97: Milinko Pantić (Club Atlético de Madrid) 5

1995/96: Jari Litmanen (AFC Ajax) 9

1994/95: George Weah (Paris Saint-Germain FC) 7

1993/94: Ronald Koeman (FC Barcelona), Wynton Rufer (SV Werder Bremen) 8

1992/93: Romário (PSV Eindhoven) 7

 

 

Lionel Messi iyo Ronaldo oo hogaaminaya kooxda ugu fiican Champions league

$
0
0

Messi Boeteng Yellow Bayern Munich Barcelona Champions League 12052015

Lionel Messi iyo Ronaldo ayaa hogaaminaya kooxda sanadka ugu fiicneyd Champions league waxaana qiimeyntan sameysay Goal.com.

Barcelona ayaa markii shanaad xalay waxaa ay ku guuleysatay Champions league kadib 3-1 ay juventus ugu qaadeen.

11-ka ciyaaryahan ee xagaagan ugu fiicnaa tartanka soo xirmay ee Yurub waa kuwan.

Messi Boeteng Yellow Bayern Munich Barcelona Champions League 12052015

 

 

Seddex rikoor caan noqday uu Andres Iniesta ka sameeyay Champions league

$
0
0

296B1BC000000578-0-image-m-20_1433667332899

Labo rikoor weyn ayuu sameeyay xiddiga Barcelona Andres Iniesta kaas oo sidoo kale loo doortay xiddiga ugu fiicnaa ciyaartii dhexmartay Juve iyo Barcelona taas oo ku dhamaatay 3-1.

Rikoorada Iniesta uu dhigay waxaa ay kala yihiin.

Andres Iniesta  ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay Barcelona ee ciyaara Afar Final Champions leagu,horay waxaa uu u soo ciyaaray sanadihii 2006, 2009 iyo 2011.

Andres Iniesta ayaa noqday sidoo kale ciyaaryahankii ugu horeeyay ee seddex final Champions league kala duwan gool ka caawiyay.

Seddexdii Final ugu dambeeyay kubad uu isaga baaso ayaa gool lagu dhalinayay.

Ivan Rakitic goolkiisa oo baaldahab ka galay goolashii ugu dhaqsiyaha badnaa Finalka Champions league

$
0
0

2968624900000578-0-image-a-14_1433617997909Sanadkiisii ugu horeeyay Barcelona Ivan Rakitic waxaa uu la qaadanayaa Barcelona xili guul waxaana uu dhaliyay gool xalay kaas oo sameeyay seddex micno oo kala ah.

1-Rakitic goolka uu ku dhaliyay afarta daqiiqo ayaa ahaa kii seddexaad ee ugu dhaqsiyaha badnaa oo laga dhaliyay Finalka Champions league kadib Maldini oo 2005 sameeyay kuna dhaliyay hal daqiiqo iyo Mendieta oo 2001 (3) ku dhaliyay gool.

2-Ivan Rakitic goolkiisa ayaa loo diiwaangeliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee Barcelona ay ka dhaliso Final.

3-Rakitic ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ciyaara kuna guuleysta tartamada UEFA Cup iyo Champions League sanado xiriir ah isagoo ka tirsan labo koox oo  kala duwan.

Warka waa uu cadyahay:Barcelona oo lix koob ku guuleysan karta 2015

$
0
0

article-3114112-296BAD6300000578-866_964x386Wali yaa is gaaray ayey Barcelona leedahay oo waxaa ay haatan ku guuleysatay seddex koob iyagoo eegaya seddex koob oo kale.

Barcelona ayaa xalay sameysay rikoorkeedii 2008/09  ee seddex koob hal xili ciyaareed waxaana ay noqotay kooxdii ugu horeysay Yurub oo labo jeer oo kala duwan ku guuleysata seddex koob hal xili ciyaareed.

Barcelona ayaa fursad u heysata haatan iney bar bareyso rikoorkeedii 2009 markaas oo lix koob ay ku guuleysato mudo sanad gudihiisa.

Barce ayaa haatan ku guuleysatay koobabka La Liga, Spanish Cup iyo Champions League waxaana sugaya seddex koobkale oo ah Supper cup Spain, European Super Cups iyo koobka kooxaha Adduunka oo dhacaya December.

Hadii seddexdan koob ay qaado sanadka 2015 waxaa uu dhamaanayaa iyagoo lix koob hantay waxaana ay la saminayaan rikoorkoodii 2009.


Messi,Neymar iyo Suarez waa masiibo cidna aysan hor istaagi karin,Sheeko xiiso leh

$
0
0

296B1BBC00000578-0-image-m-3_1433666779798

Shalay waxaa loogu wacayay Messi,Neymar iyo Suarez,kadib waxaa loo bixiyay MSN,markana waxaa u yeeray magaca seddexdii weerar ee ugu fiicnaa Abid ee goolasha ugu badan hal xili ciyaareed dhaliya taas oo ka dhigan iney yihiin weerarkii ugu fiicnaa Abid kubada cagta.

Guulaha Barcelona sanadkan waxaa mahadeeda iskaleh MSN oo goolal badan dhaliyay.

Weerarka Cajiibka ah ee MSN ayaa dhaliyay xagaagan 122 gool,Suarez 25 gool,Neymar 39 gool iyo Messi oo 58 gool dhaliyay.

Arinta kale ee yaabka leh ayaa ah Barcelona ayaa ka dhalisay xagaagan Champions league 31 gool waxaana 27 kamid ah dhaliyay Messi,Suarez iyo Neymar.

Afar gool kaliya ayey kala dhaliyeen xiddigaha kale Barcelona u ciyaara.

Geesiyaasha guuldareystay oo lagu soo dhaweeyay Taliyaaniga+sawiro

$
0
0

article-3114200-296BC49100000578-373_636x421

Geesiyaasha guuldareystay ee Juventus ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Turin ee wadanka Taliyaaniga kadib markii ay ka soo laabteen wadanka Germany.

Goolhaye Buffon ayaa la arkayay inuu qiireysnaa isagoo aan waligiis koobkan ku guuleysan.

3-1 ayaa looga qaaday koobka kooxda Juventus waxaana ka qaaday Barcelona.

Guuldarada Juventus ku dhacday ayaa soo afjartay in seddex koob ay xagaagan ku guuleysato.

Alvaro Morata (left) and Arturo Vidal take in the atmosphere after arriving back in Turin
Gianluigi Buffon, who looked emotional throughout, thanks the supporters for showing up
The Juventus fans were out in force as they created a party atmosphere for their players

Man United iyo Arsenal oo laga niyad jibiyay saxiixa Karim Benzema

$
0
0

karim-benzema-real-madrid-champions-league_ont9t79hew2d1d7sv9h6pt5ib

Wakiilka Karim Benzema  ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu ku biirayo kooxaha Man United iyo Arsenal waxaana uu sheegay inuu baxayo hadii Real Madrid ay  ka dalbato.

Warar ayaa sheegayay in Real Madrid ay ku dooneyso €50 million iibkiisa.

Sidoo kale waxaa soo baxday Karim Djaziri oo ah wakiilka xiddiga inuu la kulmay madaxa fulinta United ee Ed Woodward laakiin waxaa warkaas beeniyay wakiilkiisa waxaana uu sheegay inuu ku duqaabayo Karim Benzema  garoonka Bernabeu.

“kulama aanan kulmin London koox xitaa United iyo cid kalaa,dhinacna lama aanan hadlin oo aan aheyn Real Madrid,sidaas marka ayuu u sheegay.

Karim Djaziri waxaa uu cadeeyay Benzema inuu ku faraxsan yahay Real Madrid uuna rabo inuu ku duqaabo halkan.

22 gool ayuu xagaagan dhaliyay 46 kulan uu u saftay dhamaan tartamada oo dhan xagaagan.

Geesiyaasha reer Yurub oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Barcelona SAWIRO+

$
0
0

Xalay ayay ahayd kooxda Barcelona markii ay ku guuleysteen koobkooda sedexaad oo xilli ciyaareedkaan iyo koobkooda shanaad ee abid ee Championka ay ku guuleystaan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey kumanaan taageerayaashooda ah oo ku sugnaa agagaarka jidadka magaalada Barcelona.

Jidadka ayaa lagu camiray waxyaabaha quruxda badan ee cirka loo gano iyo ubaxyo qoyan oo lagu daadinayey gaari weyn oo sedexdii koob ee sannadkaan ay ku guuleysteen oo lagu soo xardhay isla markaana ay ciyaartooyda ku labisnaayeen funaanadahooda lagu yiqiin.

Magaalada Berlin ayay ahayd xalay markii ay 3 – 1 ku garaaceen kooxda cajuusada ee Juventus, waxaana ay isla maanta kaso degeen magaalada ay kadhisan tahay kooxda Barcelona gobolka loo yaqaan Catalanya.

Messi ayaa fadhiyey shukaanta ama halka laga wado agtiisa waxaana ka muuqatay dhoola cadayn iyo waji furnaan halka Pique iyo Neymar ay garoonka diyaaradaha kala soo degeen iyagoo dhegaha ku dhegan koobka ugu qiimaha badan qaaradaha aduunka iyo Yurub ee Champion League-ha.

cham
cham17 cham16 cham15 cham14 cham13 cham12 cham11 cham10 cham9 cham8 cham7 cham6 cham5 cham4 cham3 cham2 cham1 cham

Robin van Persie oo ka warbixiyay qorshaha Suuqa kala iibsiga Man United xagaagan

$
0
0

manchester-united-louis-van-gaal

Robin van Persie ayaa sheegay kooxdiisa In xagaagan ay suuqa kala iibsiga gelineyso lacag dhan £200milyan taas oo ka dhigeysa koox dhameystiran oo horyaalka u tartami karta.

United ayaa xagaagii hore suuqa kala iibsiga ku bixisay lacagihii labaad ee ugu badnaa ee lagu soo dukaameysto taas oo aheyd £142milyan.

Lacag qaali ah ayey kula soo wareegeen Angel di Maria, oo ah £59.7m, sidoo kale waxaa ay keensadeen Luke Shaw, Daley Blind, Marcos Rojo, Ander Herrera iyo Radamel Falcao.

Laakiin United ayaa ku dhameysatay horyaalka booska afaraad iyagoo Chelsea ka dambeeya 17 dhicood.

“United waxaa ay ku bixisay suuqa xagaagii hore £200milyan hadana £200milyan kale ayey gelineysaa si aan u noqono koox tartanta ayuu u sheegay The Mirror.

Real Madrid ayaa heysata rikoorkii ugu badnaa ee lacago ee sanad gudihiisa suuqa lagu bixiyo waxaana ay sameysay sanadkii 2009-kii oo (€265milyan ku bixiyeen suuqa.

Viewing all 1718 articles
Browse latest View live