Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live

Jose Mourinho oo saadaaliyay cida ku guuleysaneysa Champions league sanadkan

$
0
0

128967_heroa

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa  sadaaliyay finalka Champions league cida habeen dambe ku guuleysan karta.

Mourinho ayaa tilmaamay Barcelona iney ku cad cadahay ku guuleysiga koobka maadaama ay heysato Lionel Messi.

“Final-ka? Kooxdii haysata Messi ayaa ah tan u sharaxan ku guulaysiga koobka, lakiin Juventus waa koox awood badan waxayna leedahay awood ay ku guulaysan karto” ayuu yiri Jose Mourinho.

Dhinaca kale Jose Mourinho ayaa la weydiiyay kooxda ugu fiican sanadkan Adduunka waxaana uu sheegay tahay Barcelona.

“Waxaan aaminsanahay in Barcelona ay tahay kooxda ugu fiican aduunka waqtigaan la joogo, waxay haystaan koox aad cajiib u ah sidoo kale waxay haystaan 3-da weerar yahan ee ugu fiican yurub”.

 


Goolkii Saxirka ahaa ee Messi oo loo doortay goolka toddobaadka Champions league

$
0
0

1345282_heroa

Lionel Messi goolkii labaad uu ka dhaliyay Bayern Munich ayaa loo doortay goolka toddobaadka ugu fiicnaa Champions league kulamadii Semi finalka.

Lugtii koowaad ee Barcelona iyo Munich ku dhexmaray Cam Nou ayuu goolkan saxirka ahaa dhaliyay Messi markii uu wax aan ogeyn uu ku riday daafaca Boateng.

Kadib ayuu Messi kubada si qurxan ugu dulqaaday Manuel Neuer.

Shirkada Nissan ayaa qiimeyntan sameysay,waana kan goolkii Messi uu sixirkiisa markale  nagu tusay.

Man United oo wada xaajood la bilowday Karim Benzema

$
0
0

karim-benzema-real-madrid

Madaxa fulinta Man United Ed Woodward ayaa la soo warinayaa inuu wadahadalo la furtay wakiilka weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

Saraakiil ka tirsan United ayaa la kulmay Karim Djaziri oo ah wakiilkiisa waxaana leysla dhexmaraa inuu ugu wareegayo £40milyan.

Sida ay qortay Manchester Evening News gorgortanka ayaa bilowday toddobaadkii hore war wanaagsan ayaana ka soo baxaya.

Yaab ayey la heyd in ninka ugu goolasha badan kooxda xili ciyaareedkii tagay uu dhaliyo 14 gool waana Rooney taas oo aysan United ku dhicin tan iyo 1982-dii in weeraryahankooda ugu badan intaas gool uu dhaliyo xili ciyaareed dhan.

Si aanu taasi markale u dhicin ayaan loo keenayaa Old Trafford Karim Benzema.

Man United oo noqotay kooxda ugu dhaawacya badneyd Premier league

$
0
0

manchester-united-robin-van-persie

Qiimeyn la sameeyay ayaa lagu ogaaday Man United iney aheyd xagaagii hore kooxda ugu dhaawacyada badneyd Premier league.

Louis van Gaal kooxdiisa waxaa ka dhaawacmay 39 ciyaaryahan  iyagoo ku dhameystay booska afaraad ee horyaalka.

Baaritaanka ay sameysay  physioroom.com ayaa sidoo kale lagu sheegay Newcastle iney tahay kooxda xiddigaheeda  dhaawaca uu soo gaaray waqti dheer garoomada ka maqnaa waana 1,871 maalmood halka Man United xiddigaheeda ay kaga maqnaayeen garoomada dhaawac 1,348.

Dhinaca kale kooxda horyaalka qaaday ee Chelsea ayaa liiska dhaawacyada kuwa ugu hooseeya kaga jirta oo kaliya 19 ciyaaryahan ayuu dhaawac ka soo gaaray islamarkaana maqnaa 428 maalmood.

Xiddigaha Juve oo gaaray Berlin iyo Barcelona oo ku soo dhow+sawiro

$
0
0

article-3112126-2960612700000578-234_964x386

Barcelona iyo Juventus ayaa  Berlin ku ciyaaraya finalka Champions league  2015 .

Xiddigaha Juventus ayaa durba ka soo dagay  Turin iyagoo gacan qaadayay taageerayaasha.

Dhinaca kale Barcelona ayaa iyagana u soo ambabaxay Germany waxaana la filayaa in goordhow ay soo gaaraan.

Kooxahan ayaa doonaya koobkoodii seddexaad ee xagaagan,waxaana habeen dambe ay balansanyihiin saacada 9:45 habeenimo geeska Africa.

The two official team coaches are seen at the airport in anticipation of the two squads arriving in Berlin
Juventus captain and goalkeeper Gianluigi Buffon waved to supporters as he arrived at the team hotel
Juventus midfield player Paul Pogba waves to fans upon his team's arrival in Berlin for the final

“Iska key daaya” – C. Ronaldo ayaa saxaafadda ku weeraray muuqaal uu soo duubay

$
0
0

image001

Xiddiga reer Portugal ee C.Ronaldo ayaa sii necbeysana hadallada laysla dhex marayo ee ku aaddan isaga iyo jaceylkiisii hore, wuxuuna codsaday in loo ogolaado in shaqadiisa uu ku guto jawi nabdoon.

Cayaaryahanka Madrid ka xamaasha ayaa saxaafadda ka qirtay in la joojiyo hadalo xun oo uu ku tilmamaay  qashin oo la la daba-joogo dabayaaqadii xilli ciyaareedkaan ilaa hadda, inkastoo uu 61 gool u dhaliyay kooxdiisa Real Madrid, 54 kulan oo uu saftay xilli cayareedkan dhammaaday, laakiin haddana saxaafadda ka faalloota isboortiga waxay ka qoreysay cinwaano uusan jecleysan oo xilli cayaareedkiisan ku tilmaamaya mid fashil ah.

Wararka laysla dhex marayo ee ku aaddan arrimaha Ronaldo ayaa bilowday kaddib markii Janaayo ay kala tageen gabadha model-ka ah Irina Shayk, arrintaas oo ay saxaafaddu si aad ah u qaadaa dhigtay, sidaa darteed Ronaldo ayaa go’aansaday in si cad uu muuqaal  u soo dhigo barta internet-ka, isagoo saxaafadda ka baryaya in ay iska daayaan oo ay nabad-geliyaan.

Wuxuu ku bilaabayaa farriintiisa isaga oo salaamaya taageerayaasha kaddibna wuxu ku leeyahay: “Farriitaan adinka ayaan idin kugu talagalay, wuu ku mahadsan yahay cid kasta oo i taageertay, xilli ciyaareed adag ayuu ahaa laakiin waad ila jirteen, waxaad i tusteen inaad daacad ii tihiin”.

 “Maskaxdeyda ayaa i siisay inaan  farriitaan duubo, sababta ma aqaan, hana i weydiin, marnaba lama hadlayo saxaafadda, xitaa kama hadlayo noloshadayda waxa quseeya, laakiin fursadan waxaan doonayaa inaa ku sheego in dhowrkii usbuuc ee la soo dhaafay ay saxaafaddu ku daashay inay iga faafiso warar qashin ah taas oo ah inaan  gabar saaxiib cusub ah helay, maalinba maalinta ka dambeysay waxay leeyihiin sidaan ayuu sameeyey iyo sidaas ayuu sameeyey, fadlan hadda iska key daaya, iina ogolaada inaan  shaqadeyda u sameeyo si quman, sida aan sanad walba u sameyn jiray, ha isku dayinina inaad dhaawacdaan sumcaddeyda, maxaa yeelay sidaa inay dhacdo ma doonayo, tani adinkey idin quseysa asxaabey, waana isla sii joogi doonnaa, waadna mahadsan tihiin”.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka uu soo duubay Ronaldo:-

Wax waliba oo aad ugu baahantahay finalka Champions leage ee kooxaha Juventus iyo Barcelona

$
0
0

article-3112805-29641D6C00000578-533_964x386

Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa isaga hor imaanaya markii ugu horeysay Finalka Champions league xili koox waliba ay dooneyso in seddex koob ay gacanta ku dhigto maadaama min labo koob ay horay ugu soo guuleysteen.

Kulanka: Juventus ? – ? Barcelona

Garoonka: Olympiastadion Berlin, Berlin

Garsooraha: Turkey’s Cuneyt

Saacada:9:45 habeenimo

Maalinta:Sabti

Taariiqda: June 6, 2015

Juve ayuu dhabarjab weyn ku dhacay maadaama uu ka dhaawacmay daafacooda muhiimka ahaa ee Giorgio Chiellini waxaana  badalkiisa galaya Leonardo Bonucci oo isagana taam ahaansho 100% qabin maadaama uu dhaawac ka soo laabtay.

Barcelona ayaa saf caafimaad qaba heysata xitaa Iniesta waa uu safankaraa oo liiska lagu soo daray ,sidoo kalana MSN oo dhaliyay 120 gool xagaagan ayaa la rajeynayaa iney si wada jir u saftaan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Kani waa Finalkii ugu horeeyay taariiqda Champoons league ee la ciyaaro bisha June.

Juventus iyo Barcelona ayaa ciyaaraya finalka tartanka European Cup ama Champions League markii 8 aad taariiqda.

Kooxahan Barcelona iyo Juve ayaa sidoo kale ka soo muuqanaya Finalka Champions league markoodii shanaad waxaana ay la sinteen Bayern Munich oo iyadana shan jeer ciyaartay finalka kaliya AC Milan ayaa ka badan oo ciyaartay finalka Champions league lix jeer.

Barcelona ayaa ciyaareysa finalka Champions league markeedii afaraad tan iyo sanadkii 2006-dii taas oo ka badan kooxaha kale.

Sayidil cajuus ama Juventus ayaa laga qaadayay koobka seddexdii final ee ugu dambeeyay Champions league kadib markii 1995/96 ay rigoorayaal ugu qaadeen koobka Ajax.

Barcelona ayaa ku wada guuleysatay Seddexdii final ee ugu dambeeyay Champions league ay ciyaartay,Finalkii ugu dambeeyay ee laga qaaday waxaa uu ahaa 1993/94 markaas oo AC Milan ay ugu qaaday koobka goolal badan oo ah 4-0.

Kani waxaa uu noqonayaa Finalkii 7 aad ee European Cup ama Champions League ee ay isaga horyimaadaan kooxaha Spain iyo Italy,waxaadna ogataa kaliya labo jeer oo qura iney badiyeen kooxaha Italy.

Ilaa iyo hada Barcelona ayaa badisay kaliya labo jeer siddeed jeer oo ay kaga hortimid  tartamada Yurub kooxda Juve,labo bar baro afarna waa laga badiyay.

Markii ugu dambeysay oo ay kooxahan kulmaan waxaa  uu ahaa sanadkii 2003 markaas oo Juventus wareega Siddeeda ay ku reebtay Barcelona,3-2 ayeyna ku soo baxday iyadoo Marcelo Zalayeta uu dhaliyay goolkii muhiimka ahaa waqtigii dheeriga ciyaarta kadib markii labada kulan ay ku dhamaadeen min 1-1,wallow finalkaas Juventus Old Trafford looga qaaday koobka oo AC Milan ay ku guuleysatay.

Juventus ayaa guuldaro la’aan ah labo jeer oo Barcelona ay kaga hortimid Champions league,hal waa ay badisay kan kalana bar baro.

Seddex kamid ah afartii gool ee ugu dambeeyay juve ay ka dhalisay Champions league ayaa imaanayay daqiiqadii 57 aad.

Xagaagan Barcelona ayaa loo diiwaangeliyay kubad heysashadoodii ugu yareyd Champions league oo ah 60.95% taas oo aysan horay u sameyn tan iyo 2003/04.

Juve ayaa iyadana sameysay sanadkan kubad heysashadoodii ugu badneyd oo ah  56.19%) waana iyo 2003/04.

Barcelona ayaa ah kooxda sanadkan Champions league ka dhalisay goolasha ugu badan 15-ka daqiiqo ugu dambeysa ciyaarta waana 8 gool inta ay dhalisay.

Laakiin Juventus ayaa wali  dhalin gool xiligaas oo kale sanadkan Champions league.

Barce ayaa sameysay xagaagan baaskii ugu sareeyay Champions league kaas oo ah 88,31%) waana wax aysan sameysan tan iyo 2007/2008.

Juve ayaa gool u badashay xagaagan kubadaha ugu badan ee koornaha ka yimaada halka Barcelona aysan wali gool ku dhalin kubadaha koornaha xagaagan.

Barcelona ayaa dhameystirtay cel celiska ugu badan gambis kulankiiba xagaagan Champions league waana 18.7  taas oo ka badan kooxaha kale oo ay ku jirto Juve.

Alvaro Morata ayaa ah ninka Spain  ee ugu goolasha badan Champions league xagaagan waxaana uu dhaliyay afar gool lixdii kulan ugu dambeeyay.

Neymar ayaa noqday xiddigii seddexaad Barcelona ee sagaal gool iyo wax ka badan ka dhaliya Champions league sanad gudihiisa kadib Rivaldo  oo sidaas sameeyay 1999 -2000 iyo Messi oo sameeyay xili ciyaareedyadii (2008-09, 2010-11, 2011-12 iyo sanadkan 2014-15).

Waa markii ugu horeysay taariiqda Champions league  labo xiddig oo hal koox ka wada tirsan in xili ciyaareed gudihiisa Champions league ay ka wada dhaliyaan 9 gool,waana Messi iyo Neymar oo  Barcelona ka tirsan.

Xavi ayaa noqon kara xiddiga ugu safashada badan taariiqda Champions league isagoo haatan saftay 150 kulan waxaana uu ka sara marayaa Iker Casillas.

Lionel Messi ayaa kulug lahaa 99 gool oo laga dhaliyay Champions league,77 gool isagaa dhaliyay,22 waa uu caawiyay waxaana uu ciyaaray 98 kulan.

Hadii Messi uu gool dhaliyo kulankan waxaa uu noqonayaa xiddiga taariiqda Champions league ugu goolasha badan waxaana haatan min 77 gool ay wada leeyihiin Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa dhalinayay gool labadii Final Champions league uu ciyaaray ee 2009 iyo 2011,labada jeerna waxaa uu dhalinayay goolashaas qeybta labaad ee ciyaarta.

Gianluigi Buffon ayaan horay marnaba kaga hor imaan Lionel Messi ciyaar caalami ah.

Patrice Evra  ayaa noqon kara hadii uu safto kulankan ciyaaryahankii labaad ee Finalka Champions league ugu ciyaara seddex koox oo kala duwan isagoo ka tirsan,waxaana ay kooxahaas kala yihiin Monaco, Manchester United iyo Juventus,horay waxaa rikoorkan kali ku ahaa oo heystay Clarence Seedorf oo final u ciyaaray kooxahan (Milan, Ajax  iyo Real Madrid).

Gianluigi Buffon, Andrea Pirlo iyo Andrea Barzagli  ayaa horay garoonka caawa lagu ciyaarayo ee Olympiastadion kuna yaala Berlin ugu qaaday koobkii Adduunka 2016 ee France ay kaga guuleysteen iyagoo Italy ah wallow uusan Andrea Barzagli finalka ciyaarin.

Kaliya Cristiano Ronaldo ayaa ka sameeyay sanadkan Champions league shuudadka ugu badan waana 71 halka Messi uu 53 sameeyay oo 25 bartilmaameed ay tahay.

Ma jiraan goolhayayaal shabaqooda nadiif ka dhigtay xagaagan Champions league oo aan ka aheyn Marc-André ter Stegen iyo Gianluigi Buffon oo min lix kulan shabaqooda gool ka ilaashtay.

Dani Alves  ayaa xagaagan Champions league la siiyay jaalaha ugu badan waana lix jeer taas oo ka badan xiddig waliba.

Massimiliano Allegri ayaa badiyay kaliya hal jeer siddeed jeer uu Champions league kaga horyimid Barcelona,seddex bar baro,afarna waa laga badiyay.

Luis Enrique ayaa Juventus ka horyimid seddex jeer tartanada oo dhan isagoo tababare ah,waxaa laga badiyay hal mid kalana bar baro waana horyaalka Serie A,sidoo kale waxaa looga badiyay koobkii national cup wareegiisa siddeeda.

Allegri ayaa noqonaya tababarihii shanaad Italy u dhashay ee gaara finalka Champions league kadib Fabio Capello, Marcello Lippi, Carlo Ancelotti iyo Roberto Di Matteo.

Luis Enrique ayaa noqonaya  macalinkii afaraad ee Spain oo gaara finalka Champions league kadib Vicente Del Bosque, Rafa Benitez iyo Pep Guardiola).

Waa markii ugu horeysay  Berlin lagu qabto Finalka European Cup ama Champions League laakiin waa markii shanaad ee garoon Germany ku yaala lagu qabto finalka koobka Yurub ,horay waxaa loogu martigeliyay garoomada Neckarstadion in Stuttgart, the Olympiastadion, Allianz Arena in Munich iyo the Arena AufSchalke in Gelsenkirchen.

Barcelona ayaa lumisay seddex final oo tartankan ah waxaana ay ku guuleysatay afar 7 jeer ay horay u ciyaartay finalka iyadoo koobkoodii ugu horeeyay ay ka qaadeen 1992-kooxda Italy ee Sampdoria waxaana bulisiyoon uga dhaliyay Wembley Ronald Koeman.

Majiraan weeraryahano iska garab ciyaara Abid oo dhaliyay goolasha ay dhaliyeen MSN xagaagan iskaba dhaaf iney soo mareen Barcelona iyo kooxaha kale waana 120 gool waxa ay dhaliyeen.

Hadii Barcelona ay ku guuleysato Champions league waxaa ay noqon doonaan kooxdii ugu horeysay qaarada Yurub oo labo jeer hal xili ciyaareed seddex koob ku guuleysata,horay Barce waxaa ay rikoorkan u sameysay 2008/09 season oo seddex koob ay qaaday.

Messi ayaa 20 gool ka soo dhaliyay finaladii uu u ciyaaray.

Messi ayaa 18 Final u ciyaaray Barcelona waxaana uu la qaaday 15 final oo kamid ah,seddex ayuuna lumiyay.

13 Final ayuu Messi ka dhaliyay gool waxaana kuwii ugu caansanaana kamid ah labadii final Champions league ee Man United uu Roma iyo Wembly gool kaga dhaliyay iyo koobka kooxaha Adduunka.

Safafka macquulka ah ee kooxahan.

Likely Line-up: Buffon; Lichtsteiner, Barzagli, Bonucci, Evra; Marchisio, Pirlo, Pogba; Vidal; Morata, Tevez

Likely Line-up: Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Busquets; Rakitic, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

Man City oo kor u qaaday lacagaha ay ku dooneyso Raheem Sterling.

$
0
0

raheem-sterling

Manchester City  ayaa £30milyan dooneysa iney kula soo wareegto xiddiga Liverpool Raheem Sterling.

20 jirkan ka socda Liverpool xagaagan ayaa waxaa raadinaya City, Manchester United, Arsenal iyo Chelsea.

Sida ay qortay Mirror City ayaa £5milyan ku dartay dalabkeedii hore oo ay ku rabeen xiddigan oo ahaa £25milyan.

2017 ayuu dhacayaa heshiiskiisa Liverpool waxaana ka go’an inuu baxo.


Paul Scholes oo Amaanay kahor finalka Champions League Lionel Messi

$
0
0

lionel-messi-barcelona

Paul Scholes ayaa sheegay Lionel Messi inuu ahaa xiddigii ugu weyn ee garoon uu ka horyimaado xirfadiisa ciyaareed taariiqda.

38 jirkan ayaa garoon la galay xiddigo ay kamid yihiin Andrea Pirlo , Zinedine Zidane iyo ciyaaryahankii hore ee ay isku kooxda ahaayeen Cristiano Ronaldo laakiin Messi ayaa ku tilmaamay kii ugu cajiibsanaa.

Independent ayuu ku qoray”waxaan umaleeyaa inaan garoon la wadaagay xiddigo waa weyn sida Eric Cantona, Zinedine Zidane, Pirlo, Xavi, Cristiano Ronaldo – iyo dhamaantood kan ugu weyn ee  Messi.”

Messi ayaa doonaya in  markii afaraad uu ku guuleysto bilada Champions league.

Aaron Ramsey “hadii balaayo kale aysan dhicin xagaaga dambe Premier league waa Inaga

$
0
0

arsenal-aaron-ramsey

Aaron Ramsey ayaa ku kalsoon Arsenal xagaaga dambe iney soo afjari doonto mudo dheer oo aysan ku guuleysan horyaalka Premier league.

Arsene Wenger kooxdiisa ayaa 12 dhibcood iyadoo ka dambeysa Chelsea ku dhameysatay xagaagan.

Inkastoo FA Cup ay ku guuleysteen ayuu Ramsey qabaa in kooxdiisa ay dooneyso koob ka weyn FA Cup xagaaga dambe iney ku guuleystaan.

Sky Sports News ayuu u sheegay hadii Arsenal xiddigaheeda oo dhan ay taam noqdaan oo dhaawac uusan ku dhicin iney heystaan fursad ay ku qaadi karaan Premier league.

Jordan Henderson oo ka digay in la iibiyo Raheem Sterling

$
0
0

west-bromwich-albion-liverpool-craig-dawson-raheem-sterling

Jordan Henderson  ayaa uga digay Liverpool ineysan isla lumin Raheem Sterling oo ay intii karoonkooda iskudayaan iney caliyaan.

Ciyaaryahankan ayaa horay u diiday £100,000-kun oo heshiis cusub uu kooxda ugu saxiixi lahaa waxaana lala xiriirinayaa kooxo badan oo ay ku jirto Real Madrid oo tababaraheeda cusub Rafael Benitez uu raadeerka u saaran yahay.

Henderson ayaa sheegay in niyad jab ay tahay in kooxda iney fasaxdo Sterling sidaas waxaa uu u sheegay Telegraph isagoo soo jeediyay in kooxda lagu hayo.

Michael Ballack”Qalad ayey ku aheyd Man United fasaxida Pogba

$
0
0

paul-pogba

Kabtankii hore Germany iyo Bayern Munich Michael Ballack ayaa rumeysan Man United in qalad weyn ay ku gashay iney iska fasaxdo Paul Pogba.

2012 –kii ayuu ka tagay Pogba United kadib markii uu boos siin waayay Sir Alex Ferguson.

Laakiin Juventus ayuu ka noqday kabiir iyadoo kooxaha Yurub oo dhan isaga ay doonayaan haatan.

“waxaa ay u muuqataa in Man United ay ku qaldaneyd iney fasaxdo Pogba ayuu yiri isagoo lahadlayay Sky Sports News.

Pogba ayaa caawa u socda inuu ku guuleysto Champions league.

Xavi” horay uma arkin Waa wax kale Lionel Messi, Neymar iyo Luis Suarez

$
0
0

article-3112848-296439EF00000578-331_636x419

Kahor Finalka Champions league caawa Xavi ayaa qirtay inuusan xirfadiisa ka soo garab ciyaarin weeraryahano lamid ah  Lionel Messi, Neymar iyo Luis Suarez.

Goolal 120 gool oo ay dhaliyeen seddexdooda ayaa ka caawisay iney ku qaadaan koobab La Liga iyo Copa del Rey.

Xavi ayaa ku kalsoon in weerarka MSN inaan la ilaalin Karin 90-ka daqiiqo ciyaarta finalka ee caawa.

“waxaan ka soo garab ciyaaray waayahayga Barcelona xiddigo cajiib ah balse seddexda weerar ee Lionel Messi, Neymar iyo Luis Suarez waa wax kale ,horayna uma arag iyagoo kale.

Xavi ayaa caawa u safanaya Barcelona kulankiisii ugu dambeeyay.

Paul Scholes iyo Marcel Desailly oo ka hadlay Finalka Champions league

$
0
0

article-3112965-29626D0700000578-469_636x429

Halyeyga Man United Paul Scholes ayaa ka hadlay Finalka dhexmaraya kooxaha Spain iyo Italy waxaana uu sheegay hadii Juve ay rabto in koobka ay qaado looga baahan yahay iney sameyso weerarada rogaal celinta ah ee deg dega ah.

Scholes ayaa goob jog u ahaa labadii Final ee United guuldarada ay ka soo gaartay Barcelona balse Juve ayuu kula taliyay weerarada gaadmada ah sidaas waxaa uu  ku qoray Independent.

Dhinaca kale ciyaaryahankii hore France Marcel Desailly ayaa qaba Barcelona hadii ay la soo baxdo ciyaaraheeda xagaagan ee cajiibka ahaa in Juventus aysan heleynin fursad ay koob ku qaado.

Juve ayaa raadineysa koobkeedii ugu horeeyay Champions league tan iyo 1996.

Sir Alex Ferguson oo dib ugu soo laabtay suuqa kala iibsiga isagoo xiddigo u iibinaya Man United

$
0
0

Alex-Ferguson

Macalinkii hore Man United Sir Alex Ferguson ayaa la sheegay inuu kala talinayo Luois Van Gaal suuqa kala iibsiga xagaagan maadaama sanadkii hore tababarahan xiddigihii uu keenay ay kooxda la qabsan waayeen.

£200 million ayaa la sheegay Van Gaal gacanta loo geliyay si uu ugu soo dukaameysto sanadkan.

Laakiin Van Gaal waxaa loo sheegay Alex Ferguson inuu kala tashto arinta iibka.

Durbo Hotel shiinees ah ayey labadooda iyo labadooda xaas ku kulmeen waxaana ay isla meel dhigeen arimaha suuqa kala iibsiga.


Thierry Henry oo qaba Juventus iney sameyn karto caawa mucjiso

$
0
0

thierry-henry-champions-league-barcelona-juventus_3311523

Thierry Henry oo kooxihiisii hore ay Finalka Champions league ciyaarayaan caawa ayaa ka gaabsaday inuu dhinac xigsado misana uu sadaal ka bixiyo ciyaarta.

Laakiin waxaa uu cadeeyay iney dhici karaan wax waliba oo Juventus ay si lama filaan ay ku qaadi karto koobka maadaama Barcelona loo wada saadaalinayo.

Tusaale ahaan waxaa uu u soo qaatay sanadihii 1998 iyo 1997-dii in finaladaas loo saadaalinayay Juve iney garaaceyso Real Madrid iyo Dortmund balse laga qaaday iyaga labada kooba.

Falanqeeyaha Sky Sports aya qaba in Juve sidaas oo kale ay sameyn karto wallow uu sheegay Xavi iney ahaa laheyd wax fiican in kulankiisii ugu dambeeyay uu farxad ku sagootiyo Barcelona.

1-0,Safka Barcelona ee u matalaya Finalka ayaa ka qaalisan Juventus

$
0
0

neymar-barcelona_3snzvg6fmtmc1gma09i1k35df

Hadii Barcelona loo saadaaliyay iney ku guuleysan karaan Champions league caawa waxaan eegeynaa dhinacyo kale oo ku saabsan kooxahan.

Dhinacyadan ayaan ka eegi doonaa dhanka dhaqaalaha iyo xiddigahooda inta lacag ay ku fadhiyaan.

Xiddigaha Barcelona ayaa la ogaaday in xiddigaheeda ay ka qaalisan yihiin kuwa Juve.

€345milyan ayey ku fadhiyaan xiddigaha Barce halka Juve xiddigaheeda ay ku fadhiyaan €222milyan.

Liiska labada dhinac,xiddig waliba lacagta uu ku fadhiyo iyo wadarta guud.

Price Comparison

Evra oo u sheegay kahor Finalka Luis Suarez inuu ku qanacsan yahay jinsigiisa madow

$
0
0

luis-suarez-patrice-evra_j2gor65chfra1tan2su3eduan

Patrice Evra ayaa si murugeysan ugu hadlay in finalka Champions league uu caawa kahoryimaado ninkii ay isku dhacsanaayeen ee Luis Suarez.

Xiligii Premier league ay wada joogeen ayaa waxaa la xusuustaa in dhacdo xun ay dhaxmartay labadan markaas uu Suarez uu diiday inuu gacan qaado ninkan isagoo ku caaynaya jinsigiisa madow taas oo siweyn uu ugu carooday ciyaaryahankii hore Man United.

Suarez ayaa xiligaas ganaax lagu riday balse Evra waxaa uu sheegay caawa inuu salaami doono Suarez taas oo sabab u ah in kubada ay dib u kulansiisay labadooda.

Evra ayaa Sky Sports u sheegay inuu ku faanayo midabkiisa madow ee uu ku caayay Suarez.

Man United oo lacago iyo seddex xiddig midkood ku soo iibsaneysa Harry Kane

$
0
0

1484782_heroa

Sida uu soo warinayo wariyaha Goal.com Scott Loney ayaa soo warinaya in Man United ay diyaar u tahay in dalab rasmi ay u gudbiso xiddiga Spurs ee Harry Kane.

Kadib goolyaridii ku dhacday xagaagan kooxda ,Van Gaal ayaa weeraryahankan ku xoojinaya weerarkiisa.

United ayaa dooneysa iney ku iibsato xiddigan £50 million waxaana ay heshiiskan ay qeyb ka dhigeysaa midkood xiddigaheeda kala ah Javier Hernandez, Nani iyo Adnan Januzaj.

Taas waxaa ay ka dhigan tahay marka Kane inuu noqdo xiddigii ugu qaalisanaa ee Britain.

30 gool ayuu dhaliyay 21 jirkan xili ciyaareedkii dhamaaday

MR Rikoorjibiye Lionel Messi oo shan rikoor eegaya inuu caawa jibiyo

$
0
0

Messi_equip_de_l_any_2014_UEFA.v1420807313

Shantan waxyaabood ayaa Lionel Messi horyaala Finalka Champions league ee caawa ka dhacaya Germany.

1-Hadii  Lionel Messi uu gool ka dhaliyo Finalka waxaa uu noqonayaa xiddigii ugu horeeyay oo Seddex final Champions league gool ka dhaliya waxaana uu ka sara marayaa rikoorkooda Raul oo labo final gool ka dhaliyay sanadihii 2000 iyo 2002 iyo Cristiano Ronaldo oo labo final gool dhaliyay sanadihii 2008 iyo 2014

2- Lionel Messi hadii ay dhacdo inuu caawa inuu ku guuleysto Champions league waxaa uu bar bareynayaa Clarence Seedorf oo koobkan afar jeer qaaday,sidoo kale Xavi, Andrés Iniesta iyo Gerard Piqué aya kula biiri doona rikoorkaas.

3- Hadii Messi uu dhaliyo gool waxaa uu noqonayaa xiddiga ugu goolasha badan taariiqda Champions league isagoo ka sara mari doona Ronaldo waliba waxaa uu ka caawinayaa goolkaas inuu kabta dahabka ku guuleysto xagaagan.

4- Lionel Messi ayaa ka fiicnaan doona Diego Maradona oo ku guuleystay 1986 koobka Adduunka hadii Messi markii afaraad uu qaado Champions league,sidaas Dailymail ayaa qortay oo waxaa ay leedahay afar koob ayaa ka fiican hal koob Adduun.

5-Messi ayaa ku guuleysan kara caawa koobkiisii 26 aad ee xirfadiisa oo dhan taas oo ka dhigi karta inuu ka sara maro halyeyga Real Madrid Di Stefano oo qaaday 25 koob.

Viewing all 1718 articles
Browse latest View live