Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live

Mario Mandzukic oo qarka u saaran inuu ku biiro Man United

$
0
0

mario-mandzukic-atletico-madrid

Man United waxaa ka go’an in xagaaga dambe ay u tartanto tartan waliba sidaa daraadeed xagaagan siweyn ayey ugu mashquulsan yihiin suuqa kala iibsiga.

Saacad kasta waa macquul in xiddig cusub ay la soo wareegto kooxdan.

Warar ayaa sheegaya haatan iney ku dhowyihiin saxiixa Mario Mandzukic oo ah weeraryahanka kooxda Atletico  Madrid.

Mario Mandzukic ayaa raba inuu ka tago kooxda Spain kadib markii ay isku dhaceen Diego Simeone waxaana The Sun ay qoreysaa maanta in  Red Devils ay ku cad cadahay saxiixiisa.

37 kulan 20 gool ayuu u dhaliyay kooxdiisa xagaagii hore waxaan lagu iibsan karaa £36m.


Steven Gerrard oo canaantay Raheem Sterling una sheegay sida Suarez oo kale inuu noqdo

$
0
0

england-steven-gerrard-raheem-sterling

Kabtankii hore Liverpool Steven Gerrard ayaa kula taliyay Raheem Sterling inuu sii joogo Liverpool sii uga noqdo xiddiga kooxda loogu wada jecelyahay kuna tiirsan tahay.

20 jirkan ayaa sheegay inuu rabo koox ku guuleysaneysa koobab sidaa daradeed uu baxayo xagaagan.

Laakiin Steven Gerrard ayaa BBC Sport u marayay xiddigan baaq ah inuu sii joogo oo uu noqdo xiddig taageerayaasha ay jecelyihiin sida ay horay ugu jeclaayeenba xiddigo sida Luis Suarez iyo Fernando Torres oo kale.

Steven Gerrard ayaa u sheegay Raheem Sterling inuusan arki Karin isagoo koox kale u ciyaaraya waxaadna uqalantaa in toddobaad kasta aad u ciyaarto Liverpool ayuu yiri.

Sterling ayaa dhaliyay 11 gool xagaagii hore.

Martin Odegaard oo ku dhow inuu ku biiro kooxda fanaano jaalo

$
0
0

real-madrid-castilla-martin-odegaard

Kooxda Villarreal ayaa siweyn ugu cad cad iney amaah ku qaadato xagaagan da’yarka Real Madrid Martin Odegaard.

16 jirkan ayaa Real Madrid ku soo biiray January waxaana uu kulankiisii ugu horeeyay horyaalka uu saftay maalintii ugu dambeysay Waxaana uu noqday xiddigii ugu yaraa ee Abid safta La Liga.

Real Madrid ayaa rabta in xiddigan uu waaya aragnimo uu soo helo iyo boos joogta ah.

Daily Mail ayaa qortay Villarreal iney ku dhowdahay heshiiskiisa.

Xagaagii hore xiddigan ayaa la tababaranayay kooxda koowaad iyo Odegaard.

Zinedine Zidane oo soo dhaweeyay Rafael Benitez inuu noqdo tababaraha Real Madrid

$
0
0

zinedine-zidane

Zinedine Zidane ayaa sheegay Rafael Benitez inuu yahay tababaraha ugu fiicnaa ee leylin lahaa Real Madrid xagaaga dambe.

Benitez ayaa lagu badalay Carlo Ancelotti oo xagaagii hore kooxda hogaaminayay.

Zidan oo tababare u ah Real Madrid Castilla ayaa AS u sheegay iney doorasho fiican tahay Benitez inuu noqdo macalinka kooxda.

Wuxuu sheegay Rafael Benitez inuu yahay tababare koobab ku guuleystay aqoona u leh Real Madrid oo garanaya in baahideeda ay koobab tahay.

Zidane ayaa ku hamiya inuu noqdo tababaraha koowaad ee Real Madrid.

Arsenal oo dooneysa Liverpool iney ku garaacdo saxiixa Claudio Marchisio.

$
0
0

juventus-claudio-marchisio

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa la sheegay iney ku tartamayaan saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee Juventus Claudio Marchisio.

29 jirkan ayaa wacdaro ka dhigay finalka Champions league isagoo ka shaqeeyay halka gool ee juve ay dhalisay.

Heshiiska xiddigan ayaa dhacaya xagaaga dambe waxaana talkSPORT ay qortay in tartankiisa ay isku hayaan kooxahan.

Marchisio ayaa Juve kamid ahaa tan iyo 1993-dii waxaana uu u saftay 300-kulan waxaana uu la qaaday afar Serie A.

Guud ahaan liiska 20-ka koox ee Serie A ku tartamata 2015-16 oo la shaaciyay

$
0
0

seriea-sign490epa_1

Si rasmi waxaa loo shaaciyay 20-ka koox ee Serie A ka qeybgalaya xagaaga dambe 2015-16.

17-ka koox ee Serie A baaqiga ku ah sanadkan waxaa ku soo biiray seddex koox oo heerka hoose ka soo dalacay waxaana ay kala yihiin Bologna, Carpi iyo Frosinone.

Guud ahaan magacyada 20-ka koox ee Serie A Serie A 2015-16 ku tartamaya waa kuwan.

Atalanta, Bologna, Carpi, Chievo, Empoli, Fiorentina, Frosinone, Genoa, Inter, Juventus, Lazio, Milan, Napoli, Palermo, Roma, Sampdoria, Sassuolo, Torino, Verona, Udinese

Zlatan Ibrahimovic oo heshiis la gaaray kooxdiisii hore AC Milan

$
0
0

cacmilan.oliviafling.com_zlatan-ibrahimovic1

Sida ay sheegeyso Sky Sport Italia Zlatan Ibrahimovic ayaa u sheegay AC Milan inuu rabo inuu dib ugu soo laabto xagaagan kana soo tagayo Paris Saint-Germain.

Bee Taechaubol ayaa kooxda maalgelin weyn ku sameynaya iyadoo Zlatan uu heli doono mushaar sareeya.

Gudoomiyaha Milan Adriano Galliani ayaa la kulmay wakiilka xiddiga Mino Raiola waxaana sidoo kale qadka sitoos ah ay ula sheekeysteen  Ibrahimovic.

Xiisaha Milan uu u hayo xiddiga Sweden oo 34 jir noqonaya October ayaa ku kalifaya inuu heshiis seddex sano u saxiixo .

Ibrahimovic ayaa AC Milan horay ugu ciyaarayay intii u dhaxeysay August 2010 ilaa  July 2012.

 

Carlos Tevez oo wadadiisa ay tahay inuu ku biiro horyaalka Spain ee La Liga

$
0
0

carlos-tevez-juventus-atletico-madrid_159h3mmdt8ugf1vrkx3x8tw5l2

Kadib sanad aan u fiicneyn Atletico Madrid ,tababare Diego Simeone ayaa sheegay kooxdiisa iney dooneyso xiddigo uu ku jiro Carlos Tevez.

Mustaqbalka xiddigii hore Man United ee garoonka kooxda Bianconeri ayaa u muuqda mid soo gaba gaboobaya.

Diego Simeone ayaa u sheegay AS in kooxda ay la xiriirtay wakiilka Tevez ayna u baahan tahay kooxdiisa xiddig isaga oo kale ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kooxdiisa ay ku dhowdahay heshiiska Luciano Vietto oo Villarreal ka tirsan.


Dunga oo xaqiijiyay Neymar inuu ciyaari doono kulanka caawa ee Honduras.

$
0
0

dunga-brazil-training_1qcp3ty795v0712123w3qz5pcn

Tababaraha Xulka Brazil Dunga ayaa xaqiijiyay kabtankooda Neymar inuu ciyaari doono kulanka caawa saqda dhexe.

Brazil ayaa kulan saaxibtinimo waxaa ay la ciyaareysaa xulka Honduras.

Neymar ayaa shalay tagay Porto Alegre waxaana la filayay inuu kulankan ciyaari Karin maadaama uu finalka Champions league ciyaaray oo nasasiino uu u baahan yahay.

Laakiin Dunga ayaa yiri”Neymar waa uu ciyaari doonaa.

Lionel Messi oo shaaciyay dalalka dalkiisa kula dagaali kara Copa America

$
0
0

Argentina's soccer player Lionel Messi (R) smiles as he walks in front of teammate Carlos Tevez during a training session in La Serena, Chile, June 9, 2015. Argentina will play in Group B matches along with Paraguay, Uruguay and Jamaica in the upcoming Copa America soccer tournament in Chile. REUTERS/Marcos Brindicci

Lionel Messi ayaa sadaaliyay dalka Chile iney yihiin kuwa ugu cad cad ku guuleysiga Copa America ee sanadkan 2015 dalkooda ka furmaya.

“Chile waa xul u sharaxan ku guulaysiga koobka maadama ay ku ciyaarayaan dhulkooda taas ayaana sii kordhinaysa nasiibkooda, waxay haystaan laacibiin heer sare ah” ayuu yiri Messi.

“Hormar badan ayeey sameeyeen xiliyadii u danbeeyay, waxay isku dayi doonaan inay wada guulaystaan dhamaan kulamadooda”.

Messi ayaa sidoo kale sheegay dalkiisa iyo Brazil iyana iney u sharaxan yihiin koobkan.

Kooxda Queretaro oo shaacisay iney fasaxeyso Ronaldinho

$
0
0

ronaldinho-cropped_12dbdyonb54ip1nifczr76at28

Macalinka kooxda Queretaro Victor Manuel Vucetich ayaa daboolka ka qaaday iney wadaan qorshe ay isaga fasaxaan xiddigii hore Adduunka ee Ronaldinho.

34 jirkan ayaa xili ciyaareed aan fiicneyn la qaatay kooxda Mexico ka dhisan waxaana uu diiday inuu kursiga keydka galo.

Tani waa sababta uu uga tagayo kooxdan waxaana lala xiriirinayaa koox ka dhisan Angola.

Ronaldinho ayaa u dhaliyay kooxdan 8 gool  25 kulan uu u saftay tan iyo markii uu kaga soo biiray 2014 kooxda Atletico Mineiro.

Man United oo heshiis shansano la gaartay Gonzalo Higuain

$
0
0

napoli-gonzalo-higuain_1

Manchester United ayaa si lama filaan ah waxaa ay ugu dhawaatay  saxiixa Gonzalo Higuain waxaana ay la gaartay heshiis.

Ciyaaryahanka Argentina ayaa la rajeynayaa inuu ka tago Napoli xagaagan waxaana lala xiririnayaa United iyo kooxda horyaalka heysata ee Chelsea.

Calcio Mercato Web ayaa qoray in Man United ay la gaartay Gonzalo Higuain heshiis shansano ah oo uu ku qaadanayo isbuucii £100,000-kun.

Laakiin labada dhinac ayaan isku raacin lacagaha iibka xiddiga wallow loo badinayo inuu ku dhacayo£35milyan.

2013 ayuu Real Madrid ka soo tagay kuna biiray Napoli lacago dhan £40milyan.

Taariiq kooban oo ku saabsan dagaalka ciyaareed ee ka dhaxeeya Brazil iyo Honduras

$
0
0

341416_heroa

Si kooban ayaan rabnaa inaan u milicsano taariiqda ciyaareed ee u dhaxeysa dalalka Brazil iyo  Honduras   oo beri subixii saacada marka ay tahay 4:00 aroornimo dhexmareysa.

Kani waa kulan saaxibtinimo oo ku biiraya kulamadii dalalkan horay ay u ciyaareen.

Brazil iyo  Honduras ayaa taariiqda kulmay 7 jeer,waxaa shan jeer badisay Brazil,labo bar  baro halna waxaa badisay Honduras.

Sanadkii 2013 ayaa  ugu dambeysay iney kulmaan waxaana markaas 5-0 ku badiyay dalka Brazil.

Markii ugu horeysay waxaa ay kulmeen 1994-tii markaas oo Brazi ay 8-2 ku adkaatay iyadoo goolasha ay kala dhaliyeen Rai, Bebeto  oo (2) gool ah, Romario (3), Cafu ilaa  Dunga oo tababare ah haatan.

Guud ahaan kulamadii ay kulmeen iyo natiijada sida ay noqotay.


Brazil vs Honduras
08/06/1994 Brasil 8-2 Honduras  Friendly San Diego, USA
29/03/1995 Brasil 1-1 Honduras Friendly Goiânia, Brazil
14/01/1996 Brasil 5-0 Honduras CONCACAF Gold Cup Los Angeles, USA
23/07/2001 Brasil 0-2 Honduras Copa America Manizales, Colombia
15/07/2003 Honduras 1-2 Brasil CONCACAF Gold Cup Cidade do México, Mexico
04/08/2012
Brasil 3-2 Honduras Olympic Games Londres, England
16/11/2013 Brasil 5-0 Honduras Friendly Miami, USA

 

Stephan El Shaarawy”waan ka xumahay in la ceyriyo Filippo Inzaghi.

$
0
0

filippo-inzaghi-milan-roma-serie-a-09052015_19ysw4jbjza1d1mkjrsip41ics

Stephan El Shaarawy ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in xilka laga qaado tababarihiisa Filippo Inzaghi.

Kadib booska 10 aad xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay Milan ayaa booskiisa ku badaleysa Sinisa Mihajlovic.

El Shaarawy ayaa cadeeyay inuu xushmad u hayo  Sinisa Mihajlovic laakiin uu ka niyad jabsan yahay Inzaghi in la ceyriyo.

“Aad ayaan ugu xumahay inaan arko Inzaghi oo la ceyrinayo, Mihajlovic waa tababare weyn kaas oo qabtay shaqo fiican laakiin wali si rasmi looguma dhawaaqin oo wax intaas ka badan kama dhihi karo ayuu yiri 22 jirkan.

Dani Alves oo tilmaamay qofkii ka dambeeyay inuu Barcelona heshiis cusub u saxiixo

$
0
0

danialves-cropped_j9lz4lmsq8rc1oi3xpmi5xqbp

Xavi  ayaa sheegay inuusan fileyn marnaba Dani Alves  in heshiis cusub uu u saxiixayo Barcelona laakiin waxaan ku kalsoonaa ayuu yiri in Luis Enrique uu sii joogi doono Camp Nou.

Hadaba Dani Alves ayaa ka warbixiyay sida ay macquul ku noqotay inuu Barce sii joogi doono xili lagu waday inuu baxo.

Wuxuu sheegay Lionel Messi inuu ka dhaadhiciyay in Barcelona uusan ka tagin.

“Messi ayaa igu yiri,joog,waa halkee meesha aad ku dareemeyso fiicnaan oo aan aheyn halkan sidaas waxaa yiri Alves.

Labo sano oo heshiis cusub ayuu u saxiixay Barcelona.


Iker Casillas oo kula heshiiyay Real Madrid inuu baxo iyo xiliga David de Gea lasoo bandhigayo oo la ogaaday

$
0
0

iker-casillas-real-madrid

Iker Casillas  ayaa la soo warinayaa in Real Madrid ay ku heshiiyeen inuu xagaagan ka tago kooxda.

Tan iyo sanadkii 1999-kii ayuu ka tirsanaa kooxda koowaad ee Bernabeu waxaana  uu u saftay 700 kulan.

Xiligiisa Real Madrid waxaa uu la qaaday shan La Liga,seddex Champions league iyo labo Coppa del Rey.

Real Madrid ayaa toddobaadka soo socda soo bandhigeysa goolhayaha David de Gea sidaa daraadeed xalka ugu wanaagsan Real Madrid waxaa ay u araktaa in 34 jirkan gabi ahaanba uu kooxda ka tago sidaas waxaa laga siideeyay TV-ga RTVE eek u yaala wadanka Spain.

Real Madrid iyo Iker Casillas   ayaa ku heshiiyay in la kala tago sanooyin guul ah kadib.

Liiska xiddigaha ay fasaxeen Chelsea,Arsenal,Man United,Liverpool ilaa Man City

$
0
0

29826CAC00000578-3118361-image-a-1_1433948323295

Kooxaha waa weyn ee Premier league ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha ay fasaxeen xagaagan.

Sagaalsano dhaawac kadib Arsenal ayaa ku dartay Abou Diaby  liiska xiddigaha ay fasaxeen sanadkan.

Drogba ayaa ka soo muuqday liiska Chelsea xiddigaha ay fasaxday oo isaga kaligii ah halka Liverpool ay ku dartay liiska kabankooda Steven Gerrard.

Man City ayaa iyana fasaxday Frank Lampard.

Didier Drogba is the only player being released on a free by Chelsea this summer

Liiska kooxdaada xiddigaha ay fasaxday sanadkan.

Arsenal

Abou Diaby, Jack Jebb, Oluwasemilogo Adesewo Ajayi, Austin Lipman, Ryo Miyaichi, Brandon Ormonde-Ottewill, Josh Vickers

Liverpool

Steven Gerrard, Glen Johnson, Brad Jones, Jordan Lussey, Marc Pelosi

Manchester City

Adam Drury, John Guidetti, Frank Lampard, Greg Leigh, Dominic Oduro, Micah Richards

Manchester United

Ben Amos, Tom Cleverley, Callum Evans, Ryan McConnell, Thomas Thorpe

Chelsea

Didier Drogba

Ludvika iyo Tayo oo isu soo taagay Finalka koobka kubadda cagta Borlänge ka soconaya SAWIRO+

$
0
0

Afar kooxood oo min hal is arag ah oo ah oo kooxdii laga badiyo ay buurka fuulayso ayaa waxaa shalay lagu daah furay ciyaar odayaal ay isaga hor imaanayeen waxaan durba la garaacay 8 – 3 kooxda Jakis brothers oo si arxan daro ah loogu baashaalay shalaytoole.

Halka kulankii maanta ay iska hor imaadeen kooxaha Ludvika iyo Horseed waxaana ay ka duwanayd ciyaartii shalay maadaama ay dheeli tirnayd qaab ciyaareedka labada dhinac.

Waxaase ay guushu 4 – 3 ku raacday kooxda Ludvika oo 40 km safar kaga timi ka qeyb galka tartanka uu Macallin Siciid iyo ardaydiisa ay ugu talo galeen koobkaan ineey ka qeyb galaan odayasha ka cuslaaday kubadda cagta.

Si kastaba ha ahaatee maalinta Jimcaha ayaa lagu balansan yahay in finalka lagu kala baxo iyadoo xaflad weyn oo si weyn loo soo agaasimay lagu qaban doono magaalada Borlänge oo shahaadooyin iyo koobab la gudoonsiin doono arday fara badan oo qalin jabisay dugsiyada saree iyo kooxda ku guuleysata koobkaan la dhigay.

tayo (1) tayo (2) tayo (3) tayo (4) tayo (5) tayo (6) tayo (7) tayo (8) tayo (9) tayo (10) tayo (11) tayo (12) tayo (13) tayo (14) tayo (15) tayo (16) tayo (17) tayo (18) tayo (19) tayo (20) tayo (21) tayo (22) tayo (23) tayo (24) tayo (25) tayo (26) tayo (27) tayo (28) tayo (29) tayo (30) tayo (31) tayo (32) tayo (33) tayo (34) tayo (35) tayo (36) tayo (37) tayo (38) tayo (39) tayo (40) tayo (41) tayo (42) tayo (43) tayo (44) tayo (45) tayo (46) tayo (47) tayo (48) tayo (49) tayo (50) tayo (51) tayo (52) tayo (53) tayo (54) tayo (55) tayo (56) tayo (57) tayo (58)

Neymar iyo xulkiisa Brazil oo guul ka gaaray xulka Hondurus+sawiro iyo safkii

$
0
0

Brazil's Firmino celebrates after scoring against Honduras during a friendly soccer match in Porto Alegre, Brazil, June 10, 2015. REUTERS/Edison Vara

Neymar  ayaa kamid ahaa xiddigaha Brazil ee 1-0 ugu badiyay xulka Hondurus wallow uu badal ku soo galay qeybta labaad.

Weeraryahanka Hoffenheim ee Firmino ayaa 33 daqiiqo u dhaliyay goolka guusha.

Felipe Luis ayaa caawiye ka ahaa goolka.

Coutinho , Robinho iyo Willian ayaa kamd ahaa xiddigaha saftay iyana.

Brazil ayaa 14-ka June waxaa ay Coppa America la  ciyaareysaa xulka Peru.

Xiddigihii u safnaa Brazil.

Brazil:Jefferson, Fabinho (marquinhos, 75), Miranda, Luiz (Silva, 45), Luis, Casemiro, Fernandinho, Willian (Costa, 45), Coutinho (Neymar, 45), Fred (Elias, 80), Firmino (Robinho, 71).

Roberto Firmino celebrates with a Gareth Bale-esque heart gesture after scoring the winner for Brazil against Honduras
Firmino, showing off his impressive tattoos, punches the air in delight after scoring what proved to be the winning goal in Porto Alegre
Brazil's strong team spirit was evident as Firmino was warmly embraced by his team-mates after scoring on 33 minutes

 

Jose Mourinho oo si faah faahsan ugu hadlay mustaqbalka Juan Cuadrado

$
0
0

juan-cuadrado-chelsea

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay  Juan Cuadrado inuusan u ogolaaneynin inuu ka tago kooxdiisa xagaagan waxaana uu cadeeyay inuu qorshihiisa uu kamid yahay.

Kadib sanadkiisii ugu horeeyay uu boos joogto ka waayay iskana dhicin waayay Willian iyo Oscar oo ay isku boos yihiin ayaa waxaa soo baxday in laga dirayo kooxda.

Laakiin Mourinho waa diiday warkaas waxaana uu u sheegay DirecTV Sports” Cuadrado meel ma aadayo sanadkan,wali dadka ma aysan baran Juan,aniga wax badan ayaan arkay markan wada joognay Italy oo aniga Inter aan ahaa isagana Udunese.

“wax badan ayaan ka rajeynayaa sanadka dambe,waxaan rajeynayaa Coppa America iney ku soo laabato kubadiisa ayuu ku daray.

Viewing all 1718 articles
Browse latest View live