Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live

Chelsea oo 24-ka saac ee soo aadan xaqiijineysa saxiixa goolhaye Asmir Begovic

$
0
0

asmir-begovic-stoke

Chelsea ayaa dalab kale u gudbineysa kooxda Stoke kaas oo ay kaga doonayaan goolhaye Asmir Begovic.

Blues ayaa kor u qaasday lacagaha ay ku rabaan goolhyaha waxaana ay haatan gaarsiiyeen £8milyan kadib markii ay ku soo guuldareysteen dalab £6milyan ah,sidaas waxaa qortay Telegraph.

Jose Mourinho ayey qasab ku tahay inuu badalka Petr Cech oo ku biiray Arsenal uu keeno kooxda

24-ka saac ee soo aadan ayaa lagu wadaa in labada koox ay yeesheen wadahadlaan oo Blues ay soo bandhigto dalabkeeda labaad.

Begovic ayey 12 bilood ugu harsan tahay heshiiska uu kula jiro haatan Stoke.


Madaxweynihii hore Real Madrid oo sheegay Sergio Ramos inuu rabo Man United

$
0
0

real-madrid-sergio-ramos

Madaxweynihii hore Real Madrid Ramon Calderon ayaa sheegay Sergio Ramos inuu rabo ku biirista kooxda Manchester United.

29 jirkan ayey isku dhacsan yihiin kooxdiisa waxaana ay ka soo diideen United dalab £35milyan.

Laakiin Calderon ayaa fahansan Sergio inuu siweyn u rabo Old Trafford.

“waan ogahay Sergio waxaa uu u sheegay macalinka in loo fasaxo Manchester United,kaliya United ayuu doonayaa ayuu u sheegay BBC Sport.

Ramos  ayaa Madrid ugu soo wareegay Sevilla 2005.

Mohamed Salah oo ku dhow inuu ka tago kooxda Premier league ee Chelsea

$
0
0

fiorentina-dynamo-kiev-yevhen-khacheridi-mohamed-salah

Madaxweynaha kooxda Fiorentina Andrea Della Valle ayaa ku kalsoon in Chelsea ay si joogta ah ay kala wareegayaan Mohamed Salah,

23 jir Salah ayaa amaah lix bilood ugu ciyaarayay kooxda Stadio Artemio Franchi xagaagii hore kadib markii boos joogta ah uu ka waayay Stamford Bridge.

Waxaa uu cadeeyay Andrea Della Valle in kubada cagta wax waliba ay isbadali karaan sidaas oo tahayna uu kalsooni ku qabo in Chelsea ay ka iibsanayaan Salah sanadkan..

13 kulan oo qura ayuu Premier league u saftay Chelsea waxaana uu heshiiskiisa dhacayaa 2019.

Kooxda Besiktas oo xaqiijisay doonista gool magafe Robin van Persie

$
0
0

manchester-united-robin-van-persie_1

Kooxda Besiktas  ee wadanka Turkiga ayaa xaqiijisay Robin van Persie inuu kamid yahay liiska xiddigaha ay rabaan xagaagan.

Xiddigii hore Arsenal ayaan la hubin inuu sii joogayo Old Trafford.

Director-ka kooxda Turkiga ee  Kaya Yilmaz ayaa yiri”hadii ay xaalada ay saxantahay isagana uu doonayo inuu nagu soo biiro waxaan u direynaa dalab kooxda Manchester United ayuu yiri.

Sidoo kale ciyaaryahanka waxaa doonaya kooxaha kale ee Germany Fenerbahce iyo  Galatasaray .

Jose Mourinho oo ka hadlay ugu dambeyn iibsashada Arsenal Petr Cech

$
0
0

2A22EC0D00000578-0-image-a-15_1435772601360

Jose Mourinho ayaa sheegay Chelsea iney xushmeyneyso go’aanka Petr Cech uu ugu wareegay kooxda Premier league ay tartamaan ee Arsenal.

“Petr 11-sano ayuu nala joogay waxaana uu ka caawiyay kooxdan wax waliba inuu kula guuleysto.

“mar waliba waxaan rabay inuu nala joogo laakiin waan fahansanaa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo koox uu boos joogto ka helayo toddobaad waliba ayuu yiri Mou.

Jose Mourinho says he supports Chelsea owner Roman Abramovich's decision to sell Cech to their rivals

Dhinaca kale Mourinho ayaa ku taageeray Roman Abramovich go’aanka uu xiddiga uu ka aqbalay waxaaba uu sheegay Chelsea  iney xusuusnaan doonto wax waliba uu u qabtay Petr Cech.

Cech ayaa Chelsea ugu soo wareegay 2004 kooxda Rennes waxaana uu la qaaday afar horyaal, afar FA Cups, seddex League Cups,  Champions League iyo  Europa League .

Frank Lampard oo tababarkii ugu horeeyay kooxdiisa cusub la bilaaway+sawiro

$
0
0

2A1DE1CC00000578-0-image-a-21_1435688310798

Frank Lampard ayaa tababarkii ugu horeeyay la qaatay kooxdiisa cusub ee New York City isaga iyo xiddigii hore Barcelona ee David Villa oo ay isku koox noqdeen.

Ciyaaryahankii hore Chelsea iyo Man City ayaan sugi Karin inuu la bilaawo xili ciyaareedkiisa cusub ee kooxdiisa.

Lampard  ayaa lagu wadaa kulankiisa ugu horeeya inuu safto 12-ka July markaas oo ay garoonka Yankee Stadium kula ciyaarayaan Toronto.

New York City midfielder Frank Lampard (right) posed for a picture alongside new team-mate David Villa (left)
Lampard enjoyed a jog around New York's Central Park on Tuesday as he steps up his fitness regime
The former England international was put through his paces by his trainer while wearing training kit

Lionel Messi iyo saaxibadiisa oo isku diyaarinaya howlgalkii ugu dambeeyay Coppa America

$
0
0

2A26896400000578-0-image-a-79_1435794403258

Xiddigaha Argentina ayaa ka wada Chile tababarka ay isugu diyaarinayaan Finalka Coppa America.

Lionel Messi iyo saaxibadiisa ayaa doonaya 22-sano kadib iney gacanta ku dhigaan koobkan.

Sabtida ayaa lagu wadaa Argentina iyo Chile iney ciyaaraan ciyaarta kama dambeysta ah.

Lionel Messi ayaan wali dalkiisa la qaadin koob caaalami ah waxaana uu mucjisadiisa uu ka baabi’iyay Semi finalkii xulka Paraguay oo 6-1 ay ugu adkaadeen.

Lionel Messi has a chance to end his nation's 22-year title drought in Saturday's Copa America final
The Barcelona star has failed to replicate his club-level success with the national team

Ilkay Gundogan oo ka doortay Man United kooxda Brusia Dortmund.

$
0
0

2A1B1E1400000578-0-image-a-9_1435770803077

Bartilmaameedka Manchester United Ilkay Gundogan ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Brusia Dortmund.

Heshiiskan cusub uu u saxiixay kooxdiisa ayaa dhamaanaya sanadka 2017.

Manchester United ayaa dooneysay mudo dheer ciyaaryahanka u dhashay Germany.

Ilkay Gundogan ayaa cadeeyay inuu ku faraxsan yahay inuu la soo joogo kooxdiisa.


RASMI:Real Madrid oo la soo wareegtay xiddigii ugu horeeyay

$
0
0

lucas-vazquez-espanyol_c828u34e3429100ro4ru9borl

Real Madrid ayaa si rasmi ula wareegtay Lucas Vazquez oo ay kala soo wareegeen kooxda Espanyol.

Xiddigan garabka ka ciyaara ayaa horay Real Madrid ugu soo ciyaaray laakiin waxaa uu ka tagay markii uu boos joogta ah ka waayay.

24 jirkan ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay uu sameeyay tababaraha Cusub ee Rafael Benitez.

Madrid ayaa ku dhawaaqday soo laabashada xiddiga kaas oo qalinka ku duugay heshiis shansano ah.

Martin Montoya oo ka dagay magaalada Milano isagoo tijaabo caafimaad u marayo Inter

$
0
0

martin-montoya_2wctr8i6m2ik1gaopa27smhye

Daafaca Barcelona Martin Montoya ayaa gaaray magaalada Milano waxaana uu tijaabada caafimaad u marayaa kooxda Inter Milan oo dib u dhis weyn lagu sameynayo.

Amaah ayaa la sheegaya inuu ugu wareegayo xiddigan kooxda Italy oo horay ula wareegtay Jeison Murillo, Geoffrey Kondogbia iyo Miranda .

24 jirkan ayaa sawir la wadaagay magaalada Milano marka uu tagay maanta madaxweynaha Inter Erick Thohir.

Imaanshiisa waxaa Inter ku xaqiijisay barteeda.

Barcelona oo qarka u saaran iney la wareegto Arda Turan

$
0
0

2A22EA6800000578-0-image-a-28_1435819844208

Wararka ka soo baxaya England iyo Spain ayaa sheegaya Barcelona iney ku dhowdahay saxiixa ciyaaryahanka Turkiga ee of Arda Turan.

Barcelona ayaa ku kalsooni qabta in Chelsea ay ku garaacayaan saxiixa Turan.

Xili dhow ayaa la rajeynayaa Barcelona iney kula wareegto xiddiga £25million,waxaa qorta Dailymail.

Wararka waxaa ay intaa ku darayaan Luis Enrique inuu ka dalbaday Barcelona in saxiixa xiddiga loo hubiyo kahor inta uusan 28 jirkan fasaxiisa dalxiiska galin.

Laakiin Arda Turan ayaan u ciyaari doonin Barcelona hadii uu ku soo biiro ilaa sanadka 2016 markaas uu dhamaanayo ganaaxa suuqa kala iibsiga ka saaran.

Xavi oo ka rajeynaya xaaskiisa Nuria Cunillera Xavi kale iney u dhasho

$
0
0

xaviandwife_302x322

Xiddiga Barcelona Sergio Busquets iyo Xavi oo ka tagay kooxda ayaa Taliyaaniga kula dalxiisaya lamaanayaashooda.

Xavi ayaa rajeynaya canug  waxaana uur uleh  xaaskiisa oo ah journalist Nuria Cunillera.

Sawirada la soo qaaday ayaa muujinayay Xavi inuu sugayo canugiisa aan dhalan.

Busquets ayaa isagana la socday saaxibadiisa Elena Galera Moron.

Kadib markii uu hantay La Liga, Copa del Rey iyo Champions League sanadkan Xavi ayaa ka tagay Barcelona isagoo noqday xiddiga ugu koob qaadista badan taariiqda kubada cagta Spain waxaana uu qaaday 25 koob isagoo rikoorkan kala wareegay xiddigii hore Real Madrid Francisco Gento oo qaaday 23 koob.

35 jirkan ayaa u wareegay kooxda Al Sadd ee dalka QATAR.

 

(From left) Xavi, wife Nuria c, Sergio Busquet's girlfriend Elena Galera Moron, and Busquets
Xavi touched pregnant wife Cunillera's mini baby bump as they both headed into the sea to cool down
Moron and Busquets, in stripey teal swimming trunks, wade into the sea in Porto Cervo
A beaming Xavi approaches partner Cunillera in the sea during their beach day in Sardinia

 

David de Gea oo ka laabtay inuu gurigiisa Manchester Iska iska iibiyo+Sababta

$
0
0

1435831315_extras_noticia_foton_7_0

David de Gea  ayaa ka laabanaya go’aanka uu gurigiisa magaalada Manchester  uu ku iibinayo maxaa yeelay wali arintiisa uma muuqato mid ay xal ka gaarayaan Real Madrid iyo Man United.

Toddobaadkii hore waxaa soo baxay goolhayaha Spain inuu iska iibinayo gurigiisa maadaama uu rajeynayay inuu ku biirayo Real Madrid.

Sida ay qortay Marca David de Gea   ayaa lagu wadaa inuu iska dhiibo bishan July kirada guriga ilaa xal uu ka imaanayo maaaama uu Van Gaal uu u sheegay inuu ku soo laabto tababarka kooxda waxaana uu u baahnanayaa gurigiisa.

Isniinta soo aadan ee 6-da bisha July Van Gaal ayaa u sheegay David inuu tababarka kooxda ku soo laabto.

Hadii uu heshiiskan hergali waayo xiddiga ayaa si toos ugu laaban doona go’aanka uu ku iibinayo gurigiisa waxaana uu u go’ayaa nolasha Manchester.

AC Milan oo si rasmi u xaqiijisay saxiixyada gooldhaliyaasha Luiz Adriano iyo Carlos Bacca.

$
0
0

1602812_heroa

AC Milan ayaa suuqa kala iibsiga ka sameysay saacadihii ugu dambeeyay kadib markii ay la soo wareegtay labo weeraryahan oo caan ka ah qaarada Yurub waa Luiz Adriano iyo Carlos Bacca.

Milan ayaa si rasmi u shaacisay la wareegida labada weeraryahanba.

Luiz Adriano ayey Milan kala soo wareegtay Shakhtar waxaana uu qalinka ku duugay heshiis shansano ah waxaana uu dhacayaa 30-ka June 2020-ka.

 

 

 

 

 

€8milyan ayaa ugu baxday Milan saxiixa xiddiga Brazil.

Dhinaca kale AC Milan ayaa xaqiijisay la wareegida Carlos Bacca oo uga soo wareegay Sevilla.

Labada dhinac ayaa xaqiijiyay heshiiska inuu dhacay.

49 gool ayuu Bacca u dhaliyay Sevilla,22 waa uu caawiyay 108 kulan uu u saftay waxaana uu la qaaday Europa League.

Bayern Munich oo iska diiday iney iibsato Angel di Maria.

$
0
0

angel-di-maria-manchester-united

Pep Guardiola ayaa beeniyay wararka sheegaya kooxda Bayern Munich iney dooneyso la wareegida xiddiga Manchester United Angel di Maria.

Di Maria ayaa £59.7milyan xagaagii hore ugu soo wareegay Real Madrid laakiin waxaa uu la yimid qaab ciyaareed hooseeya taas ayaana keentay in Man United ay damacdo iney ka iibiso kooxo qaarada Yurub ka dhisan.

Pep Guardiola ayaa Maya yiri mar la weydiiyay iney rabaan Di maria waxaana uu cadeeyay inaan la bixin Karin mushaarkiisa qaaliga ah.

Di Maria ayaa Sabtida rajeynaya in koobkii ugu horeeyay dalkiisa uu la qaado.


Mohamed Salah oo 24-ka saac soo aadan go’aan ka gaaraya mustaqbalkiisa Chelsea

$
0
0

chelsea-mohamed-salah

Xiddiga qadka dhexe Chelsea Mohamed Salah ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo 24-ka saac ee soo socda mustaqbalkiisa.

23 jirkan ayaa fursad u heysta inuu si rasmi ugu wareego kooxda Fiorentina oo xagaagii hore amaah uu ugu ciyaarayay.

Sky Sports News ayaa sheegeysa inuu xiddiga go’aansan doono inuu sii joogayo Chelsea iyo inuu Italy u wada wareeganayo.

Viola ayaa la sheegay Salah iney siiney mushaar £40,000 toddobaadkii kuna iibsanayaan £11milyan.

Roy Makaay oo aaminsan Memphis Depay inuu qabsan doono horyaalka Premier league

$
0
0

memphis-depay

Ciyaaryahankii hore Holland Roy Makaay ayaa ugu bishaareeyay Man United iney sameeyeen saxiix wanaagsan hadiiba ay la soo wareegeen Memphis Depay.

21 jirkan ayaa ugu soo biiray United £25milyan kooxda reer Holland ee PSV Eindhoven.

Roy Makaay ayaa websetka kooxda Manchester United inuu ku kalsoon yahay tayada Memphis Depay uuna la qabsan doono ciyaaraha Premier league.

Depay ayaa ku guuleystay gool dhalinta horyaalka Holland sanadkii hore waxaana Makaay uu kula taliyay Persie iyo Blind iney caawiyaan Memphis.

Alessandro Del Piero oo qaba in Juventus ay shaneysan doonto Serie A xagaaga soo socda

$
0
0

delpiero-clfinal490epa_0

Alessandro Del Piero ayaa aaminsan iney Juventus Awood ku sii heysan doonto xagaaga soo socda horyaalka Serie A.

Cajuusta ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ay ku guuleysaneysay horyaalka Serie A.

Warbaahinta oo wax ka weydiisay weeraryahankii hore Juve iyo Italy Delpiero horyaalka soo socda iyo tartanka kooxaha ayuu cadeeyay wali Juventus Iney ugu cad cadahay ku guuleysiga horyaalka Serie A mar shanaad oo xiriir ah.

Halyeyga Juventus ayaa xagaaga soo socda waxaa uu falanqeeye ka noqon doonaa Del Piero.

Crtiaisno Ronaldo waa xiddiga ugu naxariista badan kubada cagta,Sheeko Xiiso leh

$
0
0

fotorcreated3

Crtiaisno Ronaldo ayaa heer weyn la doonaya inuu gaarsiiyo wiil yar oo u dhashay wadanka Indonesian kaas oo ka bad baaday musiibadii 2004 ee Sunamiga ka dhacay dalka Indonesia.

Xiliga Masiibada ay dhaceysay wiilkan waxaa uu jiray 7-sano waxaana  tan iyo markaas ka faala qaaday koriimadiisa Ronaldo oo ka aqristay wargeysyada wiilkan oo xernaa fananada dalka Portugal taas oo siweyn u soo jiidatay Ronaldo.

Ronaldo ayaa 2004 tagay Indonesia waxaana uu la kulmay wiilkan 7 jirka ee Martunis kadibna waxaa uu bilaaway Ronaldo inuu xanaaneeyo wiilkan.

LISBON, PORTUGAL:  Portugal national soccer team and Manchester United striker Cristiano Ronaldo (R) poses with Martunis (L), a 7-year-old Indonesian tsunami survivor, in Lisbon 02 June 2005. Martunis, who was wearing a Portuguese soccer team jersey when he was rescued in the Indonesian province of Banda Aceh, following December's deadly tsunami, was invited to Portugal at the inspiration of player Luis Figo to attend the team's match on Saturday and to meet his idols. The boy was accompanied by his grandfather.   (Photo credit should read FRANCISCO PARAISO/AFP/Getty Images)

Martunis waxaa uu haatan jiraa 17-sano maadaama uu yaraantiisa uu jeclaa kubada cagta Crtiaisno Ronaldo ayaa ka caawiyay haatan  inuu ku biiro da’yarka kooxda reer Portugal ee Sporting Clube oo ah halka uu ku soo baxay Ronaldo.

Marka uu xertay 17 jirkan fanaanada kooxdiisa ayuu yiri”waan ku faraxsanahay waxaan halkan u imid inaan riyadeyda rumeeyo.

This boy lost his mum and siblings to the Boxing Day tsunami - now he's joined Ronaldo's former team

 

Goolhaye David de Gea oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Madrid

$
0
0

1435848567_694493_1435848784_noticia_normal

David de Gea ayaa  gaaray maalintii shalay ee Khamiista magaalada Madrid waxaana buux dhaafiyay garoonka diyaaradaha wariyaal sawirka ka qaadayay isaga oo ay la socoto saaxibadiisa.

Ciyaaryahanka ayaa gacan qaadayay taageerayaal garoonka ku sugnaa laakiin waa uu diiday inuu faah faahin ka bixiyo United iyo Real Madrid kooxda uu u ciyaari doono xagaaga soo socda.

“halkan kaliya waxaan u imid inaan ku nasto waxaan ku jiraa dalxiis wax walibana waa ay hagaagsan yihiin ayuu yiri.

Goolhayaha ayaa la rajeynayaa inuu dib ugu laabto Isniinta Manchester waxaana uu tababar la bilaawayaa kooxdiisa.

Viewing all 1718 articles
Browse latest View live