![&MaxW=640&imageVersion=default&AR-150709739]()
Tartanka Coppa America ayaa la soo afjarayaa caawa iyadoo ay isugu soo hareen ciyaarta kama dambeysta dalka marti geliyaha ee Chile iyo Argentina.
Kulanka: Chile ? – ? Argentina
Garoonka: Estadio Nacional Julio Martínez Prádanos, Santiago de Chile
Saacada:11:00 habeenimo
Maalinta:Sabti
Taariiqda: July 4, 2015
Labada Xul ee Chile iyo Argentina oo soo kala reebay Peru iyo Paruguay ayaa heysta saf caafimaad qaba.
Xaqiiqooyinka ciyaarta.
Kani waxaa uu noqonayaa Finalkii ugu horeeyay Coppa America oo ay isaga horyimaadaan dalalka Chile iyo Argentina.
Chile ayaa caawa ciyaareysa Finalka Coppa America markii Afaraad,labo jeer oo kamid ah waxaa ka kala qaaday dalalka Paraguay 1979 iyo Uruguay in 1987.
Chile ma ku guuleysan waligeed Coppa America.
Tan iyo markii magaca Coppa America uu qaatay tartankan 1993-dii Argentine ayey tani u noqoneysaa markii afaraad oo ay gaarto Finalka,1993 waxaa ay garaaceen Mexico laakiin waxaa ay lumiyeen finaladii 2004 iyo 2007 waxaana ka qaaday labadaba Brazil.
Chile kaliya ma dooneyso caawa iney hanato koobkeedii ugu horeeyay Coppa America sidoo kale waxaana ay dooneysaa iney ku guuleysto koobkeedii ugu horeeyay caalami ah oo aysan waligeed ku guuleysan.
Chile ayaa marti gelisay koobka Adduunka iyo Coppa America 7 jeer mana aysan gaarin markan ka hor Semi finalka iyadoo caradeeda lagu tartamayo.
Chile ayaa 13 gool ku dhalisay 5 kulan ay ciyaartay xagaagan Coppa America,waxaana ninka ugu goolasha badan uu yahay Eduardo Vargas oo dhaliyay afar gool.
Chile ayaa ka badisay Argentina kaliya hal jeer 14-kii kulan ugu dambeeyay ay ciyaareen.
Hadii Argentina ay koobkan qaado caawa waxaa ay kula biireysaa Uruguay dalka ugu badan tartankan taas oo qaaday 15 jeer halka La Albiceleste uu qaaday 14 jeer.
Tan iyo 1993-dii Argentina kuma aysan guuleysan Tartan weyn xiligaas ayaana ugu dambeysay Coppa America iney ku guuleystaan.
Koobkii ugu dambeeyay Coppa America ee ay qaado Argentina waxaa ay 2-1 ugu qaaday Mexico.