Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Kabtan Henderson Oo Stoke City U Dhaartey Ka Hor Kulankooda Todobaadka Soo Socda.

$
0
0

Jordan Henderson kabtanka kooxda Liverpool ayaa waxaa uu ka hadley sida uu ugu faraxsanyahay in kulanka ugu soo horeya ee horyaalka ay ku dhacaan kooxda Stoke City.

Kooxaha Liverpool iyo Stoke City ayaa Axada soo socota kulankooda ugu horeya ee horyaalka ingriiska xili ciyaareedkan fooda is dari doona waxaana kooxda Liverpool sida kabtankeeduba uu sheegey ka go’an in ay guul gaaraan kulankaasi.

“Kulankaaga koowaad koox sida Stoke oo kale ah in aad ku so aadaa waa wax aad u wanaagsan inagu xiddigo muhiim ah ayaa noo yimid xili ciyaareekdna guul ayaana dooneynaa in horyaalka aan ku furano kuna soo xirano” sidaasi waxaa yiri kabtan Henderson.

Kooxda Liverpool ayaa xili ciyaareedkan waa ay la soo wareegtey ilaa iyo iminka xiddigaha kala ah Firmino, Benteke,  James Milner, Danny Ings, Adam Bogdan, Joe Gomez iyo sidoo kale Nathaniel Clyne.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles