War aan wanaagsaneyn ayaa u soo baxay taageerayaasha Real Madrid ee doonayay iney koobka Audi Cup ee habeen dambe Germany ka furmaya ku soo guuleystaan.
Saf ciyaareedka Real Madrid ee u duulaya Germany waxaa laga reebay Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema .
Habeen dambe Real Madrid ayaa la ciyaareysa Tottenham Semi finalka Audi Cup laakiin labada xiddig ayaa dhaawac looga saaray duulimaadkan waxaana ay ku dhaawacmeen tababarka.
Saxiiixa cusub Kiko Casilla, Danilo iyo Lucas Vazquez ayaa kamid ah 24-ka ciyaaryahan ee Real Madrid ugu qeybgalaya tartankaas.
Liiska xiddigaha 24-ka ah oo dhameystiran.
Goolhayayaasha: Keylor Navas, Kiko Casilla, Ruben Yanez.
Daafacyada: Raphael Varane, Pepe, Sergio Ramos, Nacho, Marcelo, Dani Carvajal, Alvaro Arbeloa, Danilo.
Qadka dhexe: Toni Kroos, James Rodriguez, Gareth Bale, Casemiro, Luka Modric, Denis Cheryshev, Isco, Asier Illarramendi, Asensio, Martin Odegaard.
Weerarka: Jese Rodriguez, Lucas Vazquez, Borja Mayoral.