Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga ugu madax fiiqnaa Arooska wakiilka ciyaaryahano badan oo caan ah ee Jorge Mendes.
Jorge Mendes waxaa uu kamid yahay raga ugu magaca weyn kubada cagta maadaama uu wakiil u yahay xiddigaha ugu waa weyn kubada cagta kama mid yahay Cristiano Ronaldo .
Magaalada Porto ee dalka Portugal ayuu guurka wakiilka ka dhacay.
James Rodriguez oo ay isku koox yihiin ayaa ka qeybgalay xaflada guurka ,sidoo kale waxaa joogay Deco, Fabio Coentrao, Pepe, iyo Jose Bosingwa.
Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez iyo tababarihii hore Man United Sir Alex Ferguson ayaa ka qeybgalay.







