Juventus ayaa xaqiijisay Sami Khedira inuu garoomada ka maqnaan doono mudo labo bilood ah kadib markii uu dhaawac soo gaaray.
Dhaawacan ayuu ciyaaryahanka Germany bowdada ka soo gaaray intii ay socotay ciyaartii juventus guuldarada 2-0 ay ka soo gaartay Marseille
Nasiib ma lahan wiilkanu oo labadii sano ee la soo dhaafay sidan ayuu dhaawac isdaba joog ah u soo gaarayay.
Kulanka ugu soo horeeya uu seegaya waa Supercoppa Italiana oo 8 bishan ay juve la ciyaareyso Lazio.