Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Liverpool Oo Weli Ku Jirta Is Hubeyn: Markana Saxiixa Xiddig Ay Aad U Dooneysey Ayeey Ku dhowdahay.

$
0
0

Kooxda Liverpool ee reer England ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sii dhawaaneyso soo qaadashadda wiilka qadka dhaxe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee lagu magacaabo Asier Illarramendi.

Liverpool ayaa u qoondeysey saxiixa Asier Illarramendi aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 14.2 Milyan oo ginni oo ah lacag aad u fara badan oo loo badinayo in Real Madrid ay aqbasho.

Xiddigan ayaa markan diyaar u ah in uu isaga tago kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu ka niyad jabey in uu kamid noqdo kooxda kowaad ee Real Madrid isagoo xili ciyaareedkii hadda ahaa keliya 90 daqiiqo u saftey kooxdiisa Real Madrid 7 kulan.

Xiddigan Asier Illarramendi ayaa waxaa uu kooxda Real madrid kaga soo biirey dhanka kooxda Real Sociedad sanadku markii uu ahaa 2013kii.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles