Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka International Champions Cup ee ka socday wadanka China kadin markii AC Milan rigoorayaal 9-10 ay ugu qaadeen.
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay waqtigii caadiga ahaa 0-0.
Ronaldo,Benzema iyo Bale ayaa ciyaaray qeybtii hore ilaa qeybtii dambo qeybo kamid ah waana la badalay halka Milan saxiixyadeeda Cusub Bacca oo labo fursad ku helay Real Madrid iyo Adriano ay soo galeen qeybta labaad.
Bacca ayaa laga qabtay rigoore halka toni karoos laga qabtay Real Madrid kadib markii 10-kii ciyaaryahan caadiga ahaa markii ay wada tureen ayey sheekada ku tagtay goolhayayaasha iney rigoorada tuuraan.
Kiko Casilla oo Real Madrid ayaa dhaliyay laakiin goolhaya Milan oo 16 jir ahaa Gianluigi Donnarumma ayaa laga qabtay.





