Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Arsene Wenger oo rajo ka qaba Barcelona inuu kala soo wareego Sergio Busquets

$
0
0

sergio-busquets-barcelona

Sergio Busquets ayaa kamid ah xiddigaha tababare Arsene Wenger uu rabo inuu si lama filaan ula soo wareego xagaagan inta uusan suuqa kala iibsiga xermin.

Arsene Wenger ayaa u arka ciyaaryahankan inuu caawin karo da’yarkiisa Francis Coquelin oo ah xiddig u soo baxay kooxda.

Majalada fadhigeeda uu yahay Barcelona ee Sport ayaa sheegeysa Arsene Wenger inuu si weyn u raadinayo xiddiga ku guuleystay koobka Adduunka.

Laakiin Barcelona ayaan ogoleyn haatan oo ay suuqa kala iibsiga ay ka ganaaxan yihiin iney Arsenal u ogolaato Sergio Busquets.

Barcelona iyo Arsenal waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo  dhanka kala iibsiga.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Latest Images

Trending Articles