Lionel Messi iyo Javier Mascherano ayaa goorhore dib ugu soo laabtay kooxdooda Barcelona oo ku jirta safar ciyaareedkeeda xili ciyaareedka.
Messi iyo Mascherano ayaa lagu waday Barcelona iney ku soo biiraan Isniinta toddobaadka dambe maadaama ay finalka Coppa America ay ciyaareen.
Laakiin afar maalmood kahor ayey saaxibadooda u tageen.
Sidoo kale Neymar iyo Dani Alves ayaa iyagana ku laabtay Cam Nou kuwaas oo dalxiiskooda soo gaba gabeeyay shalay.
Soo laabashada Messi, Mascherano, Neymar iyo Dani Alves waxaa ay ka dhigan tahay Luis Enrique inuu helayo kooxdiisa oo buuxda goorhore.
Kaliya goolhayaha Xulka Chile Claudio Bravo ayaa ku maqan dalxiis waxaana uu ku soo biirayaa Isniinta.