Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Lix waxyaabood u daawo kulanka dhexmaraya maanta Real Madrid iyo AC Milan

$
0
0

&MaxW=640&imageVersion=default&AR-141229080

AC Milan iyo Real Madrid ayaa ciyaaraya maanta saacada marka ay tahay 3:00 galabnimo

Kulankan ayaa ka dhacaya maanta oo Khamiis Shanghai waana tartanka International Champions Cup.

Kulankii ugu dambeeyay Real Madrid ayaa 3-0 ugu soo badisay Inter halka Milan kulankoodii hore ay ka badisay Inter 1-0.

Xusuusta gaarka ah ee kulankan.

Shantii kulan ugu dambeeyay ee Milan iyo Real Madrid ay ciyaaraan waxaa labo kamid ah badisay Real Madrid halka Milan ay mar uun ay adkaatay labada mar kalana bar baro.

Kulankiii ugu dambeeyay saaxibtinimo ee kooxahan dhexmara Milan ayaa 4-2 ku adkaatay.

Ciyaartan ayaa ka dhacday Dubia bishii December xili Real Mad ay wadatay rikoorka guuldara la’aanta kuna soo guuleysatay koobka kooxaha Adduunka.

Shan sano kahor ayuu ahaa kulankii ugu dambeeyay ee caalami ee dhexmara Milan iyo Real Madrid waana sanadkii 2010-kii waxaa ay ku kala baxeen 2-2 markaas oo Filippo Inzaghi  uu labada gool Milan dhaliyay.

Weeraryahanada Cusub Milan Bacca iyo Adriano ayaa la filayaa iney ciyaaraan halka Ronaldo,Bale iyo Benzema ay hogaaminayaan weerarka Real Madrid.

Safka macquulka ah ee labada dhinac

Real Madrid

Casilla; Carvajal, Varane, Ramos, Arbeloa; Silva, Modric, Casemiro; Cheryshev, Ronaldo, Bale

AC Milan

Lopez; De Sciglio, Mexes, Alex, Calabria; De Jong, Poli, Honda; Bacca, Niang, Adriano


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles