Pedro ayaa go’aankiisa ugu dambeeyay ee mustaqbalkiisa waxaa la sheegay inuu daaha ka qaadi doono kadib koobka Super Cup.
Barcelona ayaa la ciyaareysa koobka Super Cup kooxda ku soo guuleysatay Europa League ee Sevilla.
Pedro waxaa siweyn u doonaya macalinka Man United oo sheegay inta uusan suuqa kala iibsiga xermin inuu la soo wareegayo weeraryahan cusub.
Laakiin ciyaaryahanka Barcelona ayaa codsaday in la siiyo waqti badan uu go’aan ku gaaro kadib uu kala cadeyn doono inuu United ku biirayo iyo in Barcelona uu sii joogayo.
Kadib kulanka Super Cup-ka ayey kala cadeynayaa arintaas.