Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Xiddigaha Real Madrid oo ka dagay China iyo Qorshooda halkaas

$
0
0

 1437846845_extras_noticia_foton_7_0

Xiddigaha Real Madrid ayaa gaaray magaalada Guangzhou ee koonfurta dalka China.

Real Madrid ayaa halkaas ku ciyaareysa labo kulan oo ay la ciyaarayaan kooxaha Taliyaaniga ee AC Milan iyo Inter Milan.

Kani waa koob cusub oo sanadkan daaha laga rogay laguna magacaabo International Champions Cup.

Kumanaan taageerayaal ah ayaa ciyaartoyda Madrid ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Xiddigaha ayaa dagay Hotelka Ritz Carlton iyagoo maanta bilaawaya diyaargarowgooda tababar,waxaana kulanka ugu horeeya Isniinta ay la ciyaarayaan kooxda AC Milan.

Arinta cajiibka ah ee safarka Real Madrid ee China ku soo beegantay ayaa ah xili Real Madrid ay la saxiixatay ciyaaryahankii ugu horeeyay China kaas oo 19 jir ah laguna magacaabo Lin Liangming.

Dhawaan ayey ku dhawaaqeysaa heshiiskiisa weeraryahanka oo gali doona xerada tababarka kooxda.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles