Robin van Persie ayaa sheegay kooxdiisa In xagaagan ay suuqa kala iibsiga gelineyso lacag dhan £200milyan taas oo ka dhigeysa koox dhameystiran oo horyaalka u tartami karta.
United ayaa xagaagii hore suuqa kala iibsiga ku bixisay lacagihii labaad ee ugu badnaa ee lagu soo dukaameysto taas oo aheyd £142milyan.
Lacag qaali ah ayey kula soo wareegeen Angel di Maria, oo ah £59.7m, sidoo kale waxaa ay keensadeen Luke Shaw, Daley Blind, Marcos Rojo, Ander Herrera iyo Radamel Falcao.
Laakiin United ayaa ku dhameysatay horyaalka booska afaraad iyagoo Chelsea ka dambeeya 17 dhicood.
“United waxaa ay ku bixisay suuqa xagaagii hore £200milyan hadana £200milyan kale ayey gelineysaa si aan u noqono koox tartanta ayuu u sheegay The Mirror.
Real Madrid ayaa heysata rikoorkii ugu badnaa ee lacago ee sanad gudihiisa suuqa lagu bixiyo waxaana ay sameysay sanadkii 2009-kii oo (€265milyan ku bixiyeen suuqa.