Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Geesiyaasha reer Yurub oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Barcelona SAWIRO+

$
0
0

Xalay ayay ahayd kooxda Barcelona markii ay ku guuleysteen koobkooda sedexaad oo xilli ciyaareedkaan iyo koobkooda shanaad ee abid ee Championka ay ku guuleystaan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey kumanaan taageerayaashooda ah oo ku sugnaa agagaarka jidadka magaalada Barcelona.

Jidadka ayaa lagu camiray waxyaabaha quruxda badan ee cirka loo gano iyo ubaxyo qoyan oo lagu daadinayey gaari weyn oo sedexdii koob ee sannadkaan ay ku guuleysteen oo lagu soo xardhay isla markaana ay ciyaartooyda ku labisnaayeen funaanadahooda lagu yiqiin.

Magaalada Berlin ayay ahayd xalay markii ay 3 – 1 ku garaaceen kooxda cajuusada ee Juventus, waxaana ay isla maanta kaso degeen magaalada ay kadhisan tahay kooxda Barcelona gobolka loo yaqaan Catalanya.

Messi ayaa fadhiyey shukaanta ama halka laga wado agtiisa waxaana ka muuqatay dhoola cadayn iyo waji furnaan halka Pique iyo Neymar ay garoonka diyaaradaha kala soo degeen iyagoo dhegaha ku dhegan koobka ugu qiimaha badan qaaradaha aduunka iyo Yurub ee Champion League-ha.

cham
cham17 cham16 cham15 cham14 cham13 cham12 cham11 cham10 cham9 cham8 cham7 cham6 cham5 cham4 cham3 cham2 cham1 cham


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles