Kooxda Liverpool ayaa soo bandhigtay weeraryahankeeda cusub Christian Benteke oo £32.5million ay kaga soo iibsadeen kooxda Aston Villa.
Christian Benteke ayaa heshiis usaxiixay kooxda Liverpool isagoo ka soo tagay kooxda Aston Villa oo ku biiray sannadii 2012-kii wuxuuna kooxdiisa hore u saxiixay 42-gool 88 kulan uu saftay.
24-jirkaan u dhashay dalka Belgium ayaa maanta galabnimadeeda waxa uu gaarigiisa ku yimi garoonka tababarka Melwood ka dib Liverpool oo shaacisay ineey kusoo iibsadeen £32.5million.
Liverpool ayaa sannadkaan soo iibsatay Danny Ings from Burnley, iyo Roberto Firmino oo ka yimi Hoffenheim, taasoo ay ugu wacan tahay ineey weeraryahanadaan soo iibsadaan iyadoo dhaawacyo uu hareeyey Daniel Sturridge halka Luis Suarez, Barcelona ay ka iibiyeen waxaana sidoo kale lacago tiro badan oo rikoor jabis ah ay isaga iibiyeen Raheem Sterling kaasoo kooxdiisa u sheegay inuusan ku qanacsananayn sii joogitaanka Anfield.
Liverpool ayaa sannadkaan soo iibsatay ciyaaryahanada kalaa ah
Christian Benteke – £32.5m – Aston Villa
Roberto Firmino – £29m – Hoffenheim
Nathaniel Clyne – £12.5m – Southampton
Joe Gomez – £3.5m – Charlton
Danny Ings – (Tribunal) – Burnley
James Milner – Free – Manchester City
Adam Bogdan – Free – Bolton
—
LACAGTA GUUD AY QARASHGAREEYEEN AYAA AH: £77.5M