Weeraryahanka Juventus ee aan mustaqbalkiisa la hubin Fernando Llorente ayaa la soo warinayaa iney dooneyso Manchester United.
30 jirkan uma badna inuu xagaagan la sii joogi doono kooxda koobka Serie A heysata .
Labo sano kahor ayuu ugu soo biiray juventus kooxda Atletico Bilbao.
45 kulan ayuu u saftay cajuusta xagaagii hore oo ku guuleysatay horyaalka iyo Coppa Italia.
The Mirror ayaa sheegeysa Man United iney damacsantahay in qiimo kasta ay ka siiso Juventus ciyaaryahanka Spain
Llorente sagaal gool ayuu u dhaliyay xagaagii hore Juventus.