Macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay Filipe Luis in kooxda ay iibineyso maalmaha soo socda waxaana uu sheegay in badalkiisa ay suuqa u doonanayaan kahor inta uusan xermin.
Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa isagana xaqiijiyay in ciyaaryahanka Brazil ee 29 jirka uu ku soo laabanayo Vicente Calderon.
“waqti xaadirkan waxaan u baahanahay xiddig cusub oo dambeedka bidix,waan iibineynaa Filipe Luis hada ama Arbacada balse waa inaan suuqa kala iibsiga galnaa ayuu yiri.
Baba Rahman ayaa la soo warinayaa in Chelsea ay ka dhiganeyso badalkiisa.