Ku soo dhawaada Suuqa kala iibsiga iyo wargeysyada waxaa ay ka qoreen.
_Liverpool ayaa ka niyad jabtay Iney la soo wareegto xiddiga 26 jirka Borussia Dortmund Marco Reus waxaana ku garaaci rabta tartankiisa Real Madrid oo xiiseyneysa ciyaaryahanka Germany ,waxaa qortay Liverpool Echo.
– Manchester United ayaa ka baxday rabitaanka weeraryahanka Bayern Munich ee Thomas Muller oo 25 jir ah.
Sida ay soo warineyso Sport1 kadib diidmada ciyaaryahanka United waxaa ay go’aansatay ineysan waqti isaga lumin.
Dhinaca kalana United waxaa ay diiday Muller iney ku doonayeen £70milyan.
– Nemanja Matic ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay Chelsea ee sheega inuu ka niyad jabsan yahay Petr Cech in laga iibiyo kooxda ay la tartamaan ee Arsenal,waxaa qortay Independent).
-Warar lagu kalsoon yahay oo ay soo warisay goordhow El Confidencial Man United ayaa heshiis kala gaartay Barcelona weeraryahankeeda Pedro.
Heshiiska ayuu wargeyska sheegay in la soo gaba gabeynayo isbuucaan xili Van Gaal uu sheegay maanta in weerrayahan cusub uu lama filaan kooxda ugu soo biirayo inta uusan suuqa xermin.
-Kooxda Aston Villa ayaa dooneysa badalka Christian Benteke oo Liverpool ku dhow iney ka dhigtaan weeraryahanka Roma ee 24 jirka Mattia Desto oo amaah ugu .
-Mundo Deportivo ayaa qortay in kooxda Juventus ay dooneyso iney la soo wareegto xiddiga dambeedka bidix Atletico Madrid Guilherme Siqueira maadaama Filipe Luis uu dib ugu soo laabanayo sanadkan Vicente Calderon.
-macalinka Man City Manuel Pellegrini ayaa sheegay Raheem Sterling inuu mustaqbal weyn ku leeyahay Man City kadib kulankiisii ugu horeeyay ee maanta oo goolna uu dhaliyay kooxda inteeda kalana la shaqeeyay.
Waxaa uu qabaa isaga Silva ,Toure iyo Aguero oo wada ciyaara iney balaayo ka dhaceyso.
-Xaalka ayaa sida iska noqday, Mario Balotell oo suuqa iska yaala ma jirto koox rabta iney iibsato,Sida Express ay qortay maanta kooxda Inter Milan ayaa diiday iney dib u soo ceshato Baloteli xitaa amaah iney ku qaadato waa ay diiday.
-Tababaraha Man United Van Gaal ayaa si cad u sheegay maanta saxiixiisa cusub Matteo Darmian inuu sanadkan keyd yahay oo ahmiyada koowaad ee dambeedka midig uu u yahay xagaagan Antonio Valencia kaas oo sheegay inuu u ciyaari doono.
-Mustaqbalka Bayern Munich ee Xabi Alonso ayuu shaki ku jiraa waxaana ciyaaryahanka uu cadeeyay inuusan ogeyn in heshiis cusub uu ka helayo kooxda Germany.
33 jirkan ayaa 40 kulan u saftay xagaagii hore Bayern Munich.