Shalay waxaa loogu wacayay Messi,Neymar iyo Suarez,kadib waxaa loo bixiyay MSN,markana waxaa u yeeray magaca seddexdii weerar ee ugu fiicnaa Abid ee goolasha ugu badan hal xili ciyaareed dhaliya taas oo ka dhigan iney yihiin weerarkii ugu fiicnaa Abid kubada cagta.
Guulaha Barcelona sanadkan waxaa mahadeeda iskaleh MSN oo goolal badan dhaliyay.
Weerarka Cajiibka ah ee MSN ayaa dhaliyay xagaagan 122 gool,Suarez 25 gool,Neymar 39 gool iyo Messi oo 58 gool dhaliyay.
Arinta kale ee yaabka leh ayaa ah Barcelona ayaa ka dhalisay xagaagan Champions league 31 gool waxaana 27 kamid ah dhaliyay Messi,Suarez iyo Neymar.
Afar gool kaliya ayey kala dhaliyeen xiddigaha kale Barcelona u ciyaara.