Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Warka waa uu cadyahay:Barcelona oo lix koob ku guuleysan karta 2015

$
0
0

article-3114112-296BAD6300000578-866_964x386Wali yaa is gaaray ayey Barcelona leedahay oo waxaa ay haatan ku guuleysatay seddex koob iyagoo eegaya seddex koob oo kale.

Barcelona ayaa xalay sameysay rikoorkeedii 2008/09  ee seddex koob hal xili ciyaareed waxaana ay noqotay kooxdii ugu horeysay Yurub oo labo jeer oo kala duwan ku guuleysata seddex koob hal xili ciyaareed.

Barcelona ayaa fursad u heysata haatan iney bar bareyso rikoorkeedii 2009 markaas oo lix koob ay ku guuleysato mudo sanad gudihiisa.

Barce ayaa haatan ku guuleysatay koobabka La Liga, Spanish Cup iyo Champions League waxaana sugaya seddex koobkale oo ah Supper cup Spain, European Super Cups iyo koobka kooxaha Adduunka oo dhacaya December.

Hadii seddexdan koob ay qaado sanadka 2015 waxaa uu dhamaanayaa iyagoo lix koob hantay waxaana ay la saminayaan rikoorkoodii 2009.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles