Jamie Carragher ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xiddigii hore Liverpool Luis Suarez uu ku guuleysto koobka qaramada Yurub ee Uefa Champions league.
Sanadkii 2014 ayuu Suarez ugu soo wareegay Barcelona £75milyan kadib markii uu ku guuldareystay inuu u qaadi waayo Liverpool koobka Premier league.
28 jirkan ayaa dhaliyay goolkii Barcelona ay ku adkaatay wallow Neymar uu waqti dambe uu mid kale dhaliyay.
Jamie Carragher ayaa ku amaanay Suarez bandhigiisii xalay kuna faraxsanyahay maadaama Liverpool uu soo maray.