Chelsea ayaa dooneysa iney ku guuleysato tartanka loogu jiro xiddiga Bayern Munich Mario Gotze oo sidoo kale ay xiiseynayaan Arsenal iyo Man United.
Wakiilka Gotze ayaa toddobaadkan furka tuurtay waxaana uu eedeeyay maamulka kooxda gaar ahaan tababaraha oo keyd ku haya xiddiga.
Daily Express ayaa sheegeysa Blues iney aad u daneyneyso xiddiga goolkiisa Germany uu ku qaaday koobka Adduunka.
Munich ayaa la fahansan yahay iney aqbaleyso £49.6million inuu ugu wareego Gotze tababare Mourinho oo taageere weyn u ah xiddiga oo uu doonayay xiligiisii Real Madrid.