Mohamed Salah ayaa toddobaadkan dib ugu laabanaya kooxdiisa Chelsea waxaana uu la qaadanayaa tababarka diyaar garowga xili ciyaareedka sidaas waxaa sheegay wakiilkiisa.
Salah ayaa diiday inuu markale amaah ugu ciyaaro kooxda Fiorentina oo lix gool uu u dhaliyay xagaagii hore 16 kulan uu u ciyaaray seddexna uu caawiyay.
Chelsea iyo Viola ayaa 18 bilood heshiis ah gaaray waxaana Salah uu qeyb ka ahaa heshiiskii Juan Cuadrado oo dhacay January-dii hore.
“Xiddiga waxaa uu tababar la bilawaayaa Chelsea Khamiista,siaas waxaa uu Abbas u sheegay Sky Sport Italy.