Manchester City ayaa isku diyaarineysa in £50milyan ay kula soo saxiixato Kevin de Bruyne oo u ciyaara kooxda Germany ee Wolfsbur maadaama PSG ay ku soo biirtay tartankiisa.
City ayuu bartilmaameed u ahaa laakiin Daily Mail waxaa ay sheegeysaa kooxda carbeed ee PSG iney ka soo qeybgashay tartankan taas oo cabsi gelisay Man City.
Kooxda Premier league ayaa suuqa kala iibsiga u diyaarsatay lacago badan haatan £50milyan ayey Wolfsbur hordhigeysaa.
24 jirkan ayey midkood noqontaa toddobaadkan inuu heshiis cusub saxiixo iyo in laga iibiyo Man City.
20 gool ayuu xiddigii hore Chelsea caawiyay xagaagii hore.