Bayern Munich ayaa u jabeysa markan kooxda Manchester United oo ay ka doonayaan xiddiga Argentina ee Angel di Maria.
Si ay Munich u keento wiilkan garoonka Allianz Arena waxaa ay badalkiisa ku doonayaan xiddigaha kala ah Thomas Muller ,Arjen Robben iyo lacag kaash ah oo ay siinayaan United,waxaa qortay Daily Mail.
Munich ayaa sidoo kale diyaar u ah in heshiiskan ay ku darto bartilmaameedka Man United Bastian Schweinsteiger.
Pep Guardiola ayaa siweyn u doonaya inuu la soo wareego 27 jirkan United lacagaha qaaliga ay kaga soo iibsatay 2014 kooxda Real Madrid.
Man United ayaan wax ka dhihin dalabkan cusub xili sanadkan kaliya Memphis Depay ay kala soo wareegeen suuqa kala iibsiga.