Arda Turan ayaa sheegay in marwaliba qalbigiisa ay ku ooli doonto Atletico Madrid marka uu ku biiro Barcelona .
Barcelona ayaa 28 jirkan ku dhawaaqday in heshiis ay la gaartay maalintii shalay ee Isniinta.
Afarsano ayuu ka tirsan kooxda Vicente Calderon waxaana uu la qaaday koobabka La Liga, the Copa del Rey iyo the Europa League.
Arda ayaa hoosta ka xariiqay inuusan ilaawi doonin waayihiisii Madrid.
“mar waliba Atletico waxaa aya ahaaneysaa qalbigeyga,mana ilaawi doono taageerayaasha iyo qof waliba,afarsano oo cajiib ah ayaan ku soo qaatay ayuu yiri Arda oo Barcelona aan u ciyaari doonin ilaa 2016.
Musharaxa Madaxweyne Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista kooxda ee Arda iney gacanta ku dhigtay.