Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Manchester United oo wacad ku martay in De Gea iyo Ramos ay wadajir Real Madrid ugu mid noqonayn!!

$
0
0

Kooxda Manchester United ayaa ciyaaraysa kubad aad u adag taasoo ay isku hor fadhiyaan kooxda Real Madrid oo lafteeda difaac adag ku jirta doonaysana waxayga anaa leh waxaagana kulla lihi.

Manchester United ayaa u yeertay De Gea inuu dib ugu soo laabto kooxdiisa Manchester Untied waxayna ku wargalisay inuusan meelna ugu socon taasoo xalay saq dhexe uu ka degay magaalada Manchester, wuxuuna shir albaabada u xiran yihiin uu la yeelan doonaa Tababare Van Gaal.

De Ramos

United ayaanan doonayn in ay iibiso De Gea ka hor inta uusan imaan Sergio Ramos garoonka Old Trafford, Real Madrid-na waxay doonaysaa ineey Ramos la xaajooto De Gea-na soo xero galiso.

Manchester ayaa ku fakaraysa in De Gea iyo Ramos aysan sannadkaan kawada tirsanaan karin kooxda Real Madrid.

United ayaa wacad ku martay hadii loo diido Ramos ineey De Gea aysan heli doonin xagaagan kooxda Real Madrid oo goolhayeheeda Casillas oo ka niyad jabay inuu ka samii mid ahaado kooxda waxaana warar xan ah ay sheegayaan in Porto uu heshiis shaqsi ah la gaaray.

Red Devils waxay De Gea ku doonaysaa ineey ku badalato rikoorka goolhayeyaasha £33 – milyan oo bound oo lagu dary dadaalka uu la yimaado, halka Real Madrid ay soo diiday £28,37milayn waxayna u sheegtay dhigeeda ineey miiska soo saaraan £65-milyan taasoo United ay ku adag tahay ineey aqbasho.

Si kastaba ha ahaatee United ayaa todobaadka danbe waa Isniinta waxay u socdaalaysaa dalka Mareykanka oo ay ciyaaro ay isugu diyaarin doonto horyaalkeeda ku ciyaari doonto dalkasi Mareykanka. 18-July ayay u bilaaban doonto magaalada Seattle ciyaaro saaxiibtinimo, halka Real Madrid ay safar u yihiin dalka Australia maalinta Jimcaha.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles