Wakiilka Robin van Persie ayaa beeniyay wararka sheegaya kabtanka Holland inuu qarka u saaran yahay ka tagista Manchester United.
Afarsano oo heshiis ayaa la sheegay inuu la gaaray xiddiga kooxsa Turkiga ee Fenerbahce.
Laakiin sida wakiilkiisa uu sheegayo ma jirto wax heshiis ah oo ay gaareen Van Persie iyo Fenerbahce.
Van Persie ayaa tagaya Carrington maalinta Isniinta waxaana uu Van Gaal kala xaajoonayaa mustaqbalkiisa.
31 jirkan ayaa la fahansan yahay inuu rabo la sii joogida Manchester United.