Lionel Messi ayaa u dabaaldagi doona habeen dambe kulankiisii 100 aad ee xulka dalkiisa Argentina.
Messi oo Coppa America sanadkan dalkiisa isagoo kabtan hogaaminaya ayaa horay 99 kulan ugu saftay dalkiisa.
Xiddiga Barcelona ayaa yiri”waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo,qibrad weyn ayaan ku soo qaatay xulkeyga,waa inaan guul kula dabaaldagaa ayuu yiri.
Lionel Messi ayaa sidoo kale sheegay inuu sawirtay xagaagan ku guuleysiga Coppa America taas oo naga daweyneysa ayuu yiri boogtii koobka Adduunka.
Lionel Messi ayaa 99 kulan dalkiisa u dhaliyay 46 gool waxaana uu ku dhowyahay inuu bar bareeyo xiddiga ugu goolasha badan dalkan Gabriel Batistuta oo dhaliyay 56 gool.