Jackson Martinez ayaa si lama filaan ugu biiri kara kooxda Arsenal oo siweyn u raadineysay.
Ciyaaryahanka Colombia waxaa dooneysay AC Milan oo ku dhawaatay iney la wareegto balse xiddiga ayaa war kale keenay oo ah inuusan wali go’aan ku gaarin kooxda uu dooran lahaa.
“Waligey waxaan ciyaaryahaanda ka jeclaan jiray labo; Ronaldo iyo Henry. Markaa waan ku faraxsanahay in uu iga hadlay.’ Ayuu yiri.
“Arsenal waa koox weyn, oo ka ciyaarta mid ka mida horyaalada ugu weyn dunida.
“Wali waan sugayaa in aan ogaado halka mustaqbalka yaal. Wali lama oga laakiin dhowaan waa la ogaan doona.
“Hadii ay ahaan lahayd England, Italy ama Spain, waxa ugu muhiimsan waxa weeye in aniga iyo qoyskeyga aad raaxesaneyso.”