Manchester United ayaa si lama filaan ugu dhaqaaqday la soo wareegida Romelu Lukaku oo ka tirsan kooxda Everton.
Louis van Gaal ayaa raba inuu Goodison Park ka soo kaxeeeyo ciyaaryahankii hore Chelsea,sidaas waxaa qortay Guardian.
22 jirkan ayaa shaqo fiican sameeyay sanadkii hore waxaana uu dhaliyay 20 gool 48 kulan uu saftay.
Romelu Lukaku ayaa raba koox horyaal qaadi karta sidaa daraadeed waa uu soo dhaweynayaa dalabkan ugu yimid United.