Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Xiddiga Cusub Man City Kevin De Bruyne ayaa ka fiicnaaday Messi iyo Ronaldo

$
0
0

Kevin De Bruyne ayaa noqday caawa xiddig ka tirsan kooxda hogaamineysa Premier league ee Man City

Goordhow Kooxda Manchester City ayaa xaqiijisay iney la soo wareegtay ciyaaryahankii hore Chelsea ee qadka dhexe Kevin De Bruyne kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Wolfsburg.

City waxaa ugu baxday heshiiska xiddiga Belgium lacag dhan £52million.

CNql8cEWcAArCNC

Faa’idada uu xiddigan leeyahay ayaa ah inuu kuu dhalinayo oo uu caawinayo goolasha.

Sanadkii hore waxaa uu noqday xiddiga shanta horyaal Yurub ugu weyn caawinta ugu badan sameeyay taas oo ka badan inta ay sameeyeen Messi,Ronaldo iyo Fabregas waana 20 caawin.

Payet ,Fabregas iyo Messi ayaa ku soo xigay waxaana ay sameeyeen min 18 caawin halka Ronaldo uu sameeyay 16.

24 jirkan ayaa labo sano ka tirsanaa kooxda Chelsea kahor inta uusan ku biirin 2014 kooxda Bundesliga ee Wolfsburg.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles