Kooxda Manchester United ayey caawa soo gaartay guuldaradii ugu horeysay horyaalka Premier league.
Swansea ayaa 2-1 iyadoo garoonkeeda joogta ugu adkaatay kooxda Van Gaal.
Goolasha ciyaartan ayaa dhashay qeybtii labaad ee ciyaarta.
Juan Mata ayaa dhaliyay goolka hogaanka u dhiibay Man United daqiiqadii 48 aad.
61 daqiiqo waxaa Man United goolkaas ka bar bareeyay Andre Ayew.
Bafetimbi Gomis ayaa goolka guusha ugu shubay Man United daqiiqadii 66 aad.
Taariiq Kooban
Swansea ayaa kulankiisii ugu horeeyay horyaalka Van Gaal ka badisay caawa oo uu u dabaaldagayay kulankiisii 50 aad.
Seddex kulan Xiriir ah ayey Swansea ka badineysaa Swansea United tan iyo xagaagii hore horyaalka Premier league.
Waxaa yaableh 2-1 ayaa seddexdii kulan ugu dambeeyay horyaalka Swansea ay ugu badineysay Man United.





