Lazar Markovic ayaa dhameystiray heshiis amaah ah oo ugu biiray kooxda Turkiga ee Fenerbahce.
21 Jirkan ayaa ka tagay Liverpool hal xili ciyaareed uu la joogay waxaana uu ku hungoobay boos joogta ah.
Horay kooxdan ayaa ula wareegtay Van Persie iyo Nani.
Markovic ayaa Liverpool sanadkii hore waxaa uu ugu soo wareegay £20million dhanka iyo kooxda Benfica.
Fenerbahce ayaa ku cadeysay websetkeeda iney ku faraxsan tahay la wareegida Lazar Markovic .
Waxaa uu ka gudbay Tijaabada Caafimaad sida aa ka arkeyso sawirada.
