Kooxda Liverpool ayey ka soo gaartay guuldaradii ugu horeysay horyaalka Premier league kooxda West Ham United.
Kooxda xagaagan isasoo dhistay Liverpool waxaa looga badiyay iyagoo garoonkooda jooga 3-0.
Tani waa guushii ugu horeysay ee West Ham ay ku soo gaartay garoonka Anfilel 42 kulan kadib.
Goolasha laga dhaliyay Liverpool ayaa yimid labo kamid ah qeybta hore ee ciyaarta waxaana ka dhaliyay Manuel Lanzini iyo Mark Noble.
Liverpool waxaa qeybta labaad roose laga siiyay Philippe Coutinho wallow waxyar kadib roose la siiyay kabtanka West Ham.
Goolka seddexaad Diafra Sakho ayaa ka dhaliyay daqiiqadii 90 aad.





