Lionel Messi ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ee dalkiisa ee Argentina.
Messi ayaa warkan sheegay kadib markii uu xalay ku guuleystay xiddiga ugu fiican Qaarada Yurub.
Guuldaradii Chile ka soo gaartay Argentina Messi waxaa uu la kulmay kadib aflagaado badan taas oo ah inuu dalkiisa ka jecelyahay Barcelona.
Messi ayaa isagoo la hadlayay ESPN Radio waxaa uu beeniyay eedeymahan.
“Marnaba ma dhihin uma ciyaarayo Argentine ,ayuu yiri Messi waxaana uu ku soo eedeeyay arinkan iney kulug leeyihiin warbaahinta.
Wuxuu sheegay inuu ka qeygalayo haatan ciyaaraha saaxibtinimo ee dalkiisa.
Xiddiga afarta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa 46 gool u dhaliyay dalkiisa 103 kulan uu saftay waxaana uu 10 gool ka dambeeyaa Gabriel Batistuta oo ah ninka ugu goolasha badan Argentina.