Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Koke Muxuu Ku Tilmaamey Xiddigaha Kooxdiisa.

$
0
0

Xiddiga qadka dhaxe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid Koke ayaa waxaa uu amaaney xiddigaha kooxdisa ay xili ciyaareedkan dooneyso in ay ku dagaalanto.

Atletico Madrid ayaa xili ciyaareedkan suuqa kala iibsiga ka so qaadatey xiddigaha kala ah Jackson Martinez, Luciano Vietto iyo sidoo kale Stefan Savic waxaaa intaas wehliya Filipe Luis oo ay dib uga soo ceshato Chelsea.

koke-atletico-madrid

Haddaba Koke  ayaa sheegey in kooxdiisi hore marka lagu soo biro xiddigahan in ay yihiin mid kamid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida isla markaana waxaa uu sheegey in meela wanaagsan ay ka gaari doonaan tartamada ay ka qeyb galayaan.

“ Waxaan heysanaa koox dhameystiran dhan walba waan ku faaneynaa, waanan ku faraxsanahay” ayuu yiri Koke.

Kooxda Atletico Madrid ayaa kulankeedi ugu horeyey ee horyaalka Spain waxaa ay ku furtey guul.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles